Iska hor imaad ka dhacay Buuhoodle

Iska hor imaad la sheegay in uu u dhexeeyo dad shacab ah iyo ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland ayaa maanta ka dhacay magaalada Buuhoodle.

Warar lagu kal soonaan karo oo PUNTLAND POST ka heshay Buuhoodle ayaa sheegaya in iska hor imaadkaasi uu ku dhintay 1 qof, sidoo kalana ay ku dhaawacmeen 5 qof, waxaana la sheegay in uu wali socdo iska hor imaadkaasi.

Maalmihii u dambeeyay Somaliland ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ka waday deegaano ka tirsan Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn xilli uu doonayo in maamulkaasi ka hirgaliyo deegaanadaas Kaarka cod bixinta doorashada Somaliland, sidoo kale Puntland ayaa ciidamo geysay xadka ay ku muran sanyihiin maamulkaas.

Sidoo kale magaalada Buuhoodle ayaa waxaa ka jira siyaasado isdiidan, waxaana ku wada sugan Puntland, Somaliland iyo labo garab oo Khaatumo ah.

Warkaas oo faahfaahsan goordhow kala soco PUNTLAND POST