Dalladda Dhalinyarada Puntland oo kulan u samaysay Wasiiradda dhalinyaradda ee ku jira Xukuumadda

Dallada Dhalinyarada Puntland PYAN oo kaashanaysah Hay,ada Care ayaa xalay kulan casho sharaf ah ugu samaysay garoowe wasiiradda cusub ee ku jira xukuumada Puntland,gaar ahaan kuwa dhalinyarada ah.

Kulanka oo u jeedadiisu tahay dardaaran iyo dhiiragalin ayaa waxaa kasoo qayb-galay Gudoomiyaha dallada dhalinyarada Puntland Uweys Axmed Sardheeye,inta badan wasiiradda dhalinyarada ah ee ku jira xukuumada iyo qaybaha kala duwan ee dhalinyarada.

Gudoomiyaha dallada dhalinyarada Puntland Uweys Axmed Sardheeye oo ka hadlay munaasabada ayaa wasiiradda ugu hambalyeeyey xilka cusub ee loo magacaabay isagoo u mahad celiyey Madaxweynaha Puntland oo door fiican dhalinyarada ka siiyey xukuumadiisa.

Uways ayaa sheegay in Dallada dhalinyaradu ay u taagan tahay dhiiragalinta iyo awoodsiinta dhalinyarada waxaana uu tilmaamay in dalladu ay dadaal dheer ku bixisay sidii dhalinyaradu ay qayb uga noqon lahayd siyaasada,iyadoo guul weyn laga gaaray arintaas.

Gudoomiyaha dallada dhalinyarada Puntland ayaa kula dardaarmay Wasiiradda dhalinyarada ah inay tusaale u noqdaan dhalinyarada Puntland isago sheegay in looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan sidii dhalinyaradda kor loogu qaadi lahaa.

Wasiiradda kasoo qaybgalay kulanka ayaa ku bogaadiyey dallada dhalinyarada Puntland sida ay ugu heelan tahay in dhalinyaradu ay ka dhex muuqdaan siyaasada dalka,waxaana ay balan qaadeen inay tusaale wanaagsan u noqon doonaan dhalinyarada Puntland.

DAAWO.

Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST