Cabdi Xaashi: ”Fasax iyo Xaj midna ma aadeyno intaan ansixineyno xeerka Isgaarsiinta”

Muqdisho-[Puntland Post] Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Soomaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa xusay in Xildhibaannada Aqalka sare aysan fasax iyo Xaj midna aadeyn inta ay ka meel marinayaan Xeerka Isgaarsiinta dalka oo uu sheegay in uu rajeynayo in uu dhaqso kaga dhamaado oo ay meel mariyaan.

Hadalka guddoonka waxaa uu yimid kaddib markii maanta uu golaha Aqalka sare hortagay Wasiirka Boostada,Isgaarsiinta iyo Tignolojiyadda Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan.

Xeerka Isgaarsiinta waxaa todobaad ka hor meel mariyay Golaha shacabka oo 158 xildhibaan oo ka mid ah ay u codeeyeen,waxaana maanta loo qeybiyay xubnaha Aqalka sare oo aqrin kaddib iyana ansixin doona.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post