10 XIldhibaan oo ku tartamaya guddoomiye xigeenka 1aad ee Wakillada Somaliland

Hargeysa-[Puntland Post] Xoghayaha golaha wakiillada Somaliland C/Risaaq Siciid Ayaanlle ayaa shaaciyay magacyada Xildhibaannada u tartamaya guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Maamulka Somaliland.

Kursigan waxaa ka kacay Guddoomiyaha Golaha wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo 6-dii Bishan loo doortay guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland kaddib markii uu is casilay C/Raxmaan Cirro oo u tartamaya xilka Madaxweynaha Somaliland doorashada dhaceysa 13-ka November ee Sanadkan.

Liiska Magacyada Xildhibaanada u tartamaya Guddoomiye ki xigeenka 1aad ee Golaha wakiilada somaliland.

1-Xildhibaan Axmed Yaasiin Ali Ayaanle

2-Xildhibaan Axmed Abdi Kaahin Casood

2-Xildhibaan Sulaymaan Cawad Cali Bukhaari

4-Xildhibaan Maxamuud Dhunkaal Guutaale

5-Xildhibaan Abdilaahi Axmed Yuusuf Madar

6-Xildhibaan Xasan Muuse Hufane

7-Xildhibaan Maxamuud Cumar Jiir

8-Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa

9-Xildhibaan Maxamuud Baaruud Shide

10-Xildhibaan Siciid

Cabdiqani Boos 

Puntland Post