Madaxweyne Gaas” Dowlada Soomaaliya ha taageerto Sucuudiga iyo Xulufadiisa”

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Wareeysi siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa ka hadlay go’aankii Puntland ka soo baxay oo ay ku taageertay dowlada Sucuudiga iyo xulufadiisa.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in danaha ka dhaxeeyo Sucuudiga iyo Imaaraadka ay sababeen in Puntland ay taageerto isbaheeysiga Sucuudiga.

Dowlada Soomaaliya ayuu Madaxweyne Gaas ugu baaqay in ay ka laabato go’aanka ay qaadatay ee ah dhex dhexaadka islamarkaasina ay taageerto meesha ay danta ugu jirto dadka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Madaxweyne Gaas mar wax laga weeydiiyay go’aanka ay qaadatay Puntland sababta uu ku yimid maadaama dalka uu leeyahay dowlad dhexe ayuu sheegay  in Puntland ugu dambeeyso dowlada dhexe go’aanada Arimaha dibada hayeeshee meelaha qaar ay xaq u leedahay in ay ka tashato.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Arbacadii Puntland ayaa lagu taageeray Xulafada Sucuudiga .

Hoos ka Dhageeyso Codka Madaxweyne Gaas.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post