DAAWO:- Wasiirka Maaliyadda Puntland oo maanta tagey difaaca Gobolka Sool.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdulaahi Siciid Caarshe ayaa maanta oo jimce ahayd waqtigiisa fasaxa Ciidamada Puntland kula soo qaatay fariisimaha ay ku leeyihiin Gobolka Sool,Waxaana halkaas kusoo dhaweeyay difaaca ciidanka saraakiil uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Kumaandoosta Puntland Col Jimcaale Jaamac Takar oo sheegay Wasiir Dhaqaaje inuu noqonayo Wasiirkii koowaad Wasaaradda Maaliyadda oo ciidanka ugu yimaada difaaca furinta.

Col Jimcaale Jaamac ayaa intaas ku darey inay isku filan yihiin cudud iyo awood ahaanba ciidanka hadda ku sugan difaaca Gobolka Sool, Isagoona sheegay inuu ku faraxsan yahay in Wasaaradda Maaliyadda loo magacaabo Cabdulaahi Siciid Caarshe oo uu ku tilmaamay inuu yahay masuul shaqsiyad wanaagsan leh Islamarkaana aan looga warami doonin duruufta iyo daryeelka ciidanka.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdulaahi Siciid Caarshe oo ciidanka kula hadlay geed hoostiis oo uu maanta kula qadeeyay saraakiisha ciidanka saldhigyada ka samaystay deegaano ku yaala Gobolka Sool wuxuu sheegay inay tani bilow u tahay xiriir wanaagsan oo dhex mara isaga iyo Ciidamada difaaca Puntland.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay Wasiir Cabdulaahi Siciid Caarshe in shacabka iyo madaxda dowlada ay waajib ku tahay  daryeelida iyo taakuleynta ciidamada oo uu ku amaanay kuwo har iyo habeen u taagan ilaalinta nabadgalyada iyo horumarka ka jira dalka.

Lama oga waxay ka bedeli doonto gadoodka iyo cabashadii la xiriirtay xuquuqda iyo mushahaarka ciidanka booqashadii uu maanta ku tagay difaacooda Gobolka Sool Wasiirka cusub ee dhawaan loo magacaabay Wasaarada Maaliyadda Puntland.

Daawo.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST