Al-Shabaab oo Saddex Ruux ku Gowracday Kenya iyo Xiisado ka taagan Gobolka Xeebta

Lamu (PP) ─ Maleeshiyaad looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayaa seddex qof ku gowracay, kaddib markii ay weerareen guri ay ka dagaanaayeen Xaafaada Witu oo ka tirsan Gobolka Lamu ee Kenya.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dadka la gowracay ay gaarayaan afar qof, balse Guddoomiyaha Gobolka Lamu, Gilbert Kitiyo ayaa Wareysi uu siiyay Wargeyska Daily Nation ku sheegay inay dadka la qalay yihiin Seddex qof.

Sidoo kale, Gilbert Kitiyo ayaa sheegay inuu koox boolis ah u diray halka uu weerarka ka dhacay si loo daba-galo Dagaal-yahanadii qaliinka u geystay seddexdaan qof ee Keenyaanka ah.

Goob-joogayaaha ayaa sheegay in kooxaha hubeysan ay tuulada weerareen saacadaha markay ahayd 12:30am habeenimo xilli dadka ay hurdayeen, ayna saddexda qof gurigooda ugu tageen ayna halkaas ku gawraceen.

Dhanka kale, Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in dableydu ay baadigoob ku hayeen ragga halka ay iska dhaafayeen haweenka iyo caruurta. Iyadoo intaa lagu daray inay dilka kaddib hawdka ku carareen kooxah dhibaatada geystay oo aan la garanayn meel ay aadeen.

Xukuumada Kenya ayaa sheegtay in kooxdan ka tirsan Ururka Al-shabaab ay ku duumaaleysanayaan deegaanka Boni, halkaasoo ah meel dhir badan, isla markaana ay dhib badan tahay in laga soo qabto kooxahan.

Ugu dambeyn, Ma ahan markii ugu horreysay oo Al-shabaab ay weeraraan Gobolka Xeebta Kenya ku yaalla ee Lamu, Waxayna arrintan muujineysaa in Al-shabaab ay awood weyn kusii yaalanayaan gudaha dalka Kenya.

PUNTLAND POST