Weerar ay ka dhashaeen khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Magaalada Barcelona


Barcelona (PP) ─
Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhintay in ka badan 30-qof oo kalena way dhaawacmeen kaddib weerar ka dhacay magaalada Barcelone ee Spain, kaasoo ay fuliyeen kooxo gaari watay iyo kuwo kale oo hubeysan.

Sawirrada iyo muuqaaladda laga qaaday goobtaas ayaa muujinaya in gaari Van ah uu jiiray dad badan oo fadhiyay goob lagu magacaabo Las Ramblas oo ku taalla goobaha dalxiiska Spain, iyadoo rag hubeysanna ay gudaha u galeen baar ku yaalla isla goobta, iyadoo la maqlayo rasaas aad u xoogan.

Dad aad u tiro badan oo daadsan dhulka ayaa la arkayaa, iyadoo goobta ay gaareen ciidamada ammaanka, kuwaasoo la dagaalamaya kooxaha weerarka soo qaaday oo aan weli la aqoonsan.

Sarkaal ka tisran booliiska ayaa warbaahinta u sheegay in wadahadallo ay la geli doonaan kooxaha weerarka soo qaaday haddii ay u suuro-gasho, kuwaa oo ay sheegeen inay dad ku dhex-haystaan maqaayada oo ay leeyihiin dad Turki ah.

Goobjooge ayaa sheegay inuu arkay dad badan oo cararaya markii gaariga la jiirsiiyay dhawr qof, rasaasna ay billaabatay, kuwo kale oo badana ay si xad-dhaaf ah dhulka u daadsanaayeen.

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Mariano Rajoy ayaa sheegay inuu la xiriiray gabi ahaan ehellada dadkii ay waxyeelladu gaartay, uuna u rajeynayo kuwa ku dhaawacmay weerarkan caafimaad dhaqso ah.

Dhanka kale, ciidammo booliis ah ayaa la arkayaa iyagoo ku carayaya halka uu weerarku ka dhacay si ay gargaar ugu fidiyaan dadka waxyeelladu kasoo gaartay weerarkan iyo kuwa kale ee badka qaba.

“Musiibo weyn ayaa goobta ka dhacday, dad badan ayaa la toogtay, kuwaas oo ay ku jiraan caruur iyo haween. Runtii dhibaato argagax leh ayaan goobta ku arkay” ayuu yiri mid ka mid ah goobjoogayaal la hadlay warbaahinta.

Ugu dambeyn, Haweeney ka mid ahayd dadkii goobta ku sugnaa ayaa waxay tiri. “Runtii wax fikir ah kama haysanno waxa dhacaya, waxaan uu doonaynaa in kuwa badka qaba ay badbaado helaan… waayo goobta boqolaal qof ayaa ku sugnaa.”

PUNTLAND POST