Ururrka warbaahinta Puntland MAP oo shaaciyey xilliga la qabanayo doorashada

War-saxaafadeed ay soo saareen guddiga fulinta Ururrka warbaahinta Puntland ee MAP ayaa saaka shaaciyey xilliga la qabanayo doorashada xubnaha sare ee Ururrka, weriyaashu ayaa maalmahan hadal hayey xilliga la qabanayo doorashada, waxayna war-saxaafadeedkooda ku sheegeen in la qabanayo 18 ilaa 20 /12/2017 ee sanadkan.

Xubnaha sare ee haatan xilka uhaya Ururrkaas ayaa muddo xileedkoodu ku eeka 4 bishan August aan ku gudo jirno, waxayna haatan dib u dhigeen afar bilood xilligii doorashada, sidoo kale war-saxaafadeedka waxaa ku qoran shuruudaha laga doonayo ergada wax dooranaysa.

Halkan ka Akhriso War saxaafadeedka MAP



PUNTLAND POST

XASAN BASHE