Saldhigga Millateri ee Turkigu u ka furayo Muqdisho oo kulansan doona khatar iyo faa’iido

Muqdisho (PP) ─ Iyadoo dowladda Turkiga ay xoojinaso xiriirka juquraafi iyo kan dhaqaale ee Soomaaliya, ayay go’aansatay inay ka furto Muqdisho saldhig lagu tababaro ciidamada, gaar ahaan kuwa xoogga bisha September ee sannadkan 2017-ka. Saldhiggan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay noociisa oo lagu tababarayo ciidamada Soomaaliya oo uu Turkigu ka furo Bariga Afrika.

Dhismaha saldhiggaan, ayaa soo billowday bishii May ee Sannadkii 2015-kii. Waxaana ku kacay lacag ka badan 50 milyan oo dollar, wuxuuna ka kooban yahay saldhig iskuul oo kuwa millateriga lagu tababaro ah. Iyadoo bedkiisu ama cabirkiisu uu gaarayo 4-km oo laba jibaran.

Qorshaha tababar ee la dajiyay ayaa waxaa la sheegay in lagu tababaro in ka badan 10,000 oo askari oo Soomaali ah, waxaana tababarkan bixinaya 200 oo sarkaal oo Turki ah, iyadoo markiiba la tababari doono 1,500 oo ka mid ah ciidamada millateriga Soomaaliya.

Saldhiggan ayaa lagu tilmaamay mid isugu jira khatar iyo faa’iidooyin isku dheehan. Laakiinse lama sheegin in ciidamada Turkiga ah ee Soomaaliya la keenayo ay qayb ka noqon doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-sabaab oo ah koox dagaal kula jirta dowladda federaalka ah.

Turkiga ayaa ka Dagaallamaysay Somalia tan iyo Sannadkii 2011-kii, xiligaa oo ay Soomaaliya ku dhufatay abaar sababtay macluul aad u daran.

Sidoo kale, 15-kii bishan Ogoosto diyaarad uu Turkigu leeyahay oo wadda in ka badan 60 tan oo gargaar bani’aadamnimo ah ayaa ka dagtay Muqdisho, sidoo kalena bishii Abriil ee sannadkan ayaa waxaa Turkigu uu Muqdihso ka dajiiyay 60 tan oo gargaar bani’aadamnimo ah.

Prof. Sedat Aybar oo ah madaxa cilmi-baarista Afrika ee Jaamacadda Aydin ee magaalada Istanbuul, ayaa sheegay in Dowladda Turkigu ay kaalin weyn oo muuqata ay ka qaadanayso horumarka Soomaaliya.

“Marka la eego dhismaha awoodda ciidan ee Sooamaaliya, waa dadaal aad u weyn, balse lama garanayo faaa’iidada ka imaan karta mustaqbalka dhaw,” ayuu hadalkiisa ku daray Prof. Aybar. Isagoo intaas ku daray. “balse marka dhanka kale laga eego tallaabadan waa mid qayb ka qaadanaysa horumarka iyo soo kabashada Soomaaliya.”

Sidoo kale, Prof Aybar ayaa hadalkiisa ku daray in qorshahan uu qayb weyn ka qaadanayo dadaallada caalamiga ah ee lagu caawinayo dib u soo kabasha Soomaaliya oo muddo sannado ah ay dhibaato ka jirtay, isla markaana waa mid abuuraya jawi degganaasho oo aan qayb ka qaadanayn dhibaatooyinka ay ka midka yihiin fowdada iyo argagaxa.

“Tani waxaa la rajeynayaa inay soo bandhigto muuqaal wanaagsan oo loogu talo-galay in lagu horumariyo awoodda ciidan ee Soomaaliya. Taasoo qayb ka ah fidinta awoodaha ciidan ee Turkigu uu ku leeyahay Qaaradda Afrika,” ayuu mar kale hadalkiisa ku daray.

Isagoo sii hadalaya ayuu intaas ku daray. “Turkiga oo billaabay inuu Somalia ka caawinayo dhinaca gargaarka bani’aadamnimo ayaa hadda u tafaxaytay inuu gacan ka geysto dhismaha awoodda ciidan ee Soomaaliya.”

Dhanka kale, Hasan Ozturk oo ah khabiir arrimaha Afrika ka faaloodda ah oo ka tirsan xarunta BILGESAM ee fadhigeedu yahay Istanbuul, ayaa sheegay in sababta looga caawinayo Soomaaliya dhismaha ciidamada ay tahay inay tahay goob ay colaado soo daashadeen.

“Sannado dhawr ah ayuu Turkigu ka caawinayay dhanka ciidamada dalal badan oo Afirkaa ah oo ay ku jirto Soomaaliya. Iyadoo Saldhigga tababar ee uu ka dhisay Somalia uu yahay kii ugu horreeyay oo uu Afrika ka hir-geliyo,” ayuu yiri Ozturk oo la hadlay warbaahinta caalamka.

Wuxuu hadalkiisa ku daray. “Saldhigga Turkiga ee Muqdisho waxaa qayb ka ah dadaallada looga hortagayo kooxaha burcad-badeedda ah ee Soomaaliya oo uu Turkigu horay ugu lug lahaa.”

Ibrahim Nassir oo isagana ah khabiir ka tirsan xarunta xasaradaha iyo daraasaadka siyaasadda Afrika ee fadhieedu yahay Magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga, ayaa saldhigga uu Turkigu ka hirgelinayo Soomaaliya ku tilmaamay mid xoojinaysa awoodda millateri ee Turkiga uu ku leeyahay Afrika iyo xoojinta ammaanka gobolka.

Ugu dabmeyn, Khabiirkan ayaa sheegay in saldhigga Turkiga uu Muqdisho ka hirgelinayo uu kaalin mug leh ka qaadanayo go’aankii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu kula dagaalamayo kooxaha Al-shabaab ee xiriirka la leh Al-qaacida.

PUNTLAND POST