Madaxweyne Gaas oo soo xajinaya

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta u ambabaxaya dalka Sacuudiga si uu usoo xajiyo , waxaana uu maanta ka duulaya garoonka diyaaradaha magaalada Bosaso.

Aadi taanka Sucuudiga ee madaxweyne Gaas ayaa kusoo aadaya xilli ay Puntland soo saartay war-saxaafadeed ay ku taageerayso dalalka Sacuudiga iyo Emaraatka , iyadoo ka hortimi go’aankii dowladda federaalka ka qaadatay khilaafka wadamada khaliijka.

Dowladda Sucuudiga ayaa Puntland la leh xiriir ganacsi oo qoto dheer, waxaana dalkaas loo dhoof geeya xijiga, Maydiga iyo xoolaha , Imaaraatka ayaa isna gacanta ku haya ciidamada badda Puntland oo dhaqaalahooda uu bixiyo, sidoo kale waxaa uu ballaarinaya dekada Bosaso.

Madaxweyne Gaas ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horeeyey isagoo xilka madaxweyne haya soo xajinaya.

PUNTLAND POST

XASAN BASHE