Askari ka tirsan ciidamada Nabad suggida oo lagu dilay Muqdisho

Wararka aan ka helayno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in degmada Waabari lagu dilay askari ka tirsan ciidamada Nabad Suggida Soomaaliya, waxaana wararku intaas ku daryaan in goobta ay ka baxsadeen kooxdii dilka gaysatay.

Dhaawac loo geeyey mid kamid ah Isbitaalada magaalada Muqdisho ayuu markii dambe u dhintay Askari , maamulka degmada Waabari ayaa warbaabinta u sheegay dilka Askariga waxayna tilmaameen inay wadaan baaritaano lagu ogaanayo cida dilka ka dambaysa.

Goobta dilku uu ka dhacay waxaa gaaray ciidamada amaanka , magaalada Muqdisho waxaa mudooyinkii dame kusoo badanayey dilal qorshaysan .


PUNTLAND POST

XASAN BASHE