Afhayeenka madaxtooyada Puntland oo xil cusub loo magacaabay

Digreeto Maanta Kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu magcaabay xeer Madaxweyne Lr.101 August 16 2017 Wasiirru Dawlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Goleyaasha, Ahna Af-hayeenka Madaxtooyada Cabdullahi Maxamed Jaamac (Qudhaan Jecel).

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay:- Dastuurka dawladda Puntland.

Markuu tixgeliyey:- Aqoontiisa iyo Khibradiisa Shaqo.

Wuxuu Xeeriyey:-

1. Waxaa Cabdullaahi Maxamed Jaamac ( Qudhaan Jecel ) loo magcaabay Wasiirru Dawlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Goleyaasha, Ahna Af-hayeenka Madaxtooyada.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu Saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYIGELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

PUNTLAND POST

XASAN BASHE