ODINGA: Maxkamadda ayaan u Gudbinaynaa Dacwo ka dhan ah Doorashadii dhacday


Nairobi (PP) ─
Hogaamiyaha Mucaaradk dalka Kenya, Raila Odinga ayaa sheegay inuu maxkmadda sare ee Kenya geyn doono dacwad ka dhan ah natiijadii doorashada Madaxtinnimada Kenya ee lagu dhawaaqay todobaadkii lasoo dhaafay.

Raila Odinga oo goor-dhaw shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa sheegay in doorashadaas loogu shubay Uhuru Kenyatta. isla markaana ay Guddiga doorashada horay u beeniyeen eedeyntaas.

Isbahaysiga uu hoggaaminayo Raila Odinga ee NASA ayaa horay u sheegay in aysan aadi doonin maxkamadda, laakiin Odinga ayaa maanta sheegay in gao’aankaasi ay qaateen kaddib markii ay arkeen sida ay Dowladda ugu caga-jugleyneysa hay’adaha aan dowliga ahayn ee doonayay inay maxkamada geeyaan dacwad ka dhan natiijada doorashadii dhacday.

Ma ahan markii ugu horreysay oo Isbahaysiga mucaaradka ah ay maxkamadda hor-dhigaan cabashooyin ku aaddna doorashooyinkii Kenya ka dhacay, balse maxkamadda ayaa mar walba ku gacan-sayraysay axsaabta mucaaradka ah.

PUNTLAND POST