Madaxweyne Shariif oo ka hadlay isu soo dhiibitaan Abuu Mansuu

Madaxweynaha maamulka Koonfur Shariif Xasan Shiikh Aadan oo shalay dib ugu laabtay magaalada Baydhabo isagoo awal joogay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay isu soo dhiibitaanka Roobow.

Shariif Xasan ayaa ku tilmaamay isu soo dhiibitaanka uu Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) uu isu soo dhiibay dowladda federaalka mid guul ah , isagoo u mahadceliyey ciidamada Xoogga dalka , kuwa maamulka Koonfur galbeed iyo kuwa Ethiopia suurtagalnimada in Abuu Mansuur isu soo dhiibo dowladda federaalka.

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in arrintaan ay tahay tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday , isagoo ku tilmaamay guul usoo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.

Shiikh Mukhtaar oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho wuxuu u sheegay inuu ka baxay ururka Al-shabaab oo uu kamid ahaa asaasayaashii muddo shan sano ahna uu kamid ahaa.

Dowladda federaalka ayaa dhankeeda sheegtay inay wadahadal kula jirto Shiikh Mukhtaar Roobow Cali ( Abuu Mansuur).

Halkan ka Dhagayso Codka

PUNTLAND POST

XASAN BASHE