Madaxtooyada Puntland oo maanta lagu dhaariyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Haweenka

Waxaa manta oo ay taariikhdu tahay 16 August 2017 lagu dhaariyey qariga Madaxtooyada Garoowe Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Maryan Axmed Cali  oo kamid ahayd Golihii Wasiirada Cusbaa ee Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas magcaabay 06 August 2017 laguna dhawaaqay magcaabistooda 07 August 2017.

Munaasibadda dhaarta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne ku xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey, xubin ka tirsan Maxkamadda Sare ee Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhaarta kadib kula dardaarmay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Maryan Axmed Cali inay masuuliyad gaar ah iska saarto hawlaha qaran ee ay u qabatay shacabkeeda iyo dawladdeedaba, isla markaana ay ka soo dhalaasho shaqooyinka baaxadda leh ee xafiiskeedu u qabto shacabka Puntland gaar ahaan Haweenka Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa u sheegay Wasiirka in Wasaaradda Harumarinta Haweenka iyo Arrinta Qoyska muhiimad gaara u leeyahay Dawladda Puntland iyo shacabkeeda maadaama ay shaqadiisu tahay u adeegidda, daryeelidda, ka warqabka Waxbarashadooda iyo taakulaynta da’yarta iyo Haweenka Puntland oo iyagu laf dhabar u ah jiritaanka Dawladda Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ku booriyey Wasiirka inay masuuliyad gaara iska saarto ka warhaynta qoysaska danyarta ah ee u baahan daryeelka, taakulaynta iyo garab istaaga, gaar ahaan da’yarta u baahan waxbarashada iyo baahiyaadka nololeed ee aasaasiga ah.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa dhankiisa kula dardaarmay Wasiir Maryan Axmed Cali inay markasta ka fogaato kana feejignaato wax kasta oo shaqadeeda gaabis ku keenaya, isla markaana ay si daacadnimo ku jirto, masuuliyad ku jirto, xilkasnimona leh  ay ugu adeegto dadkeeda iyo dalkeedaba.

Ugu danbayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Alle ‘’SWT’’ ugu baryeyey inuu Wasiirka u fududeeyo hawlaha shaqo ee ay u qabandoonto  dadkeeda iyo dalkeedaba , isla mar’ahaantaana Alle u dhibriyo una hawl yareeyo halganka iyo dedaalka aan yarayn ee laga sugayo.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.