Ku dhawaad 400 oo qof oo ku dhintay daadad iyo dhiigo kuso rogmaday Sierra Leone

Ugu yaraan 600 oo qof ayaa wali la raadinayaa ka dib daadad iyo dhiiqo ku rogmatay magaalada Freetown, ee caasimadda dalka Sierra Leone, sida uu afhayeen u hadlay madaxweynaha BBC-da u sheegay.

Madaxweyne Ernest Bai Koroma ayaa mar sii horreysay dalbaday ”kaalmo deg deg ah” isagoo sheegay in masiibadan ay ku dhammaadeen bulshooyin dhan.

Ku dhawaad 400 oo qof ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay dhimashadooda. In badan oo ka mid ah dadkaasi ayaa lagu wadaa in xabbaal wadareed sameeyo.

Guryo ayuu daadku xaaqay, meydad badan ayaana lagu arkayaa waddooyinka magaaladaasi. Khasaaraha ayaa la filayaa inuu intaasi ka kordho, iyadoo loo maleynayo in boqollaal meydad ah ay ku hoos jiraan dhismooyinka burburay.

Madaxweynaha dalkaasi Ernest Bai Koroma ayaa sheegay in gurmad degdeg ah loo fidinayo dhibbanayaasha waxa uu ugu yeeray musiibo qaran.

Daadadku kuma cusba dalka Sierra Leone, halkaas oo roobabka xooggan ay qaadaan guryaha aan sida hagaagsan loo dhisin.

Roobabka ayaa aalaaba ku dhufta gudaha iyo deegaannada ku xeeran magaalada Freetown oo ah magaalo-xeebeed ay buux dhaafiyeen in ka badan hal milyan oo qof.

Sanadkii 2015, Freetown waxaa ka dhuftay daadad ka dhashay roobab watay dabeylaha Monsoon-ta kuwaas oo sababay dhimashada 10 qof, halka kumannaan qofna ay guryo la`aan noqdeen.

PUNTLAND POST

Xigasho: BBC-Somali