Gudiga Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle oo lagu dhawaaqay

Jowhar (PP) ─ Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa maanta magacaabay Guddiga Doorashada Madaxweynaha oo Qorshihiisu yahay in muddo 30-maalmood gudahood ah lagu soo doorto, kaddib markii maalin ka hor xilkii laga qaaday madaxweynihii Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sh. Cusmaan Barre iyo Labadiisa ku-xigeen oo shir guddoominaya kulanka ayaa Xildhibaanada u soo jeediyay inay isku raacaan xubnaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha ka mid noqonaya.

Sidoo kale, Guddiga doorashada ayaa ka kooban sagaal xubnood, iyagoo ka shaqeyn doona diyaarinta iyo qabashada doorashada Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle, inkastoo aysan jirin weli cid isku soo taagtay xilkaan.

Guddiga Doorashada Hirshabelle ayaa lagu wadaa inay iyaguna maalmaha soo socda ku dhawaaqi xilliga doorashada Madaxweynaha iyo Shuruudaha looga baahan yahay musharaxiinta xilkaan isku soo taagaya.

Dhanka kale, Xaalad siyaasadeed oo aad u kacsan ayaa ka jirta Magaalada Jowhar, iyadoo Maamulka Hirshabeelle oo dhismihiisa ay ka soo wareegatay toban bilood uu xilligan lugaha la galay khilaaf siyaasadeed.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wali ka hadlin xiisada siyaasadeed iyo xil ka qaadistii lagu sameeyay Cali C/llaahi Cosoble Siyaad, inkastoo Cosoble uu Dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay ka dambeysay xilka qaadistiisa.

PUNTLAND POST