Garowe:-KAALO NETHERLAND oo hirgalisay Maktabad iyo Madal loogu talagalay Dhalinyarada

Waxaa maanta xariga laga jarey  dhisme cusub iyo xarun weyn oo ah Maktabad iyo Madal loogu talagalay dhalinyaradu inay uga faa,iideystaan waqtigooda oo laga hirgaliyay Xaafadda Laan-calin-firin ee ku taala duleedka Koonfureed ee magaalada Garowe, waxaana ka qeybgalay furitaanka xaruntaan masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Nugaal, Degmooyinka Garowe, Dongoroyo, Baarlamanka, Xukuumadda Puntland, Aqoonyahano,Ardey iyo Dhalinyaro.

Dhismaha xaruntaan oo ka kooban dabaq labo biyaano ah waxaa maalgalisay Hay,adda KAALO Netherland,Wuxuuna sheegay Cabdisalaan Faarax Cali oo ah Gudoomiyaha Kaalo Netherland inay tahay sababta loo asaasay xaruntaan ka dib markay arkeen baahida ay u qabaan dhalinyarada iyo dadka kaleba islamarkaana hindisaha lagu asaasay xarunta uu yahay mid aan horey uga jirin magaalada Garowe.

Wuxuu intaas ku daray Cabdisalaan Faarax Cali inay xaruntani ka caawinayso shacabka siday hab cilmi ku dhisan uga faa,iideysan lahaayeen waqtigooda gaar ahaan dhalinyaradu intii uu uga dhumi lahaa wax aan dan ugu jirin.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Gobolka Nugaal,Wasiirka Warfaafinta Cabdi Xirsi Cali Qarjab, Wasiiru Dowlaha Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Axmed Cawaale iyo Xildhibaan Cabdi Siciid Samatar (Surcad) oo ka hadlay furitaankii xarunta cusub ayaa si wada jir ah ugu mahadceliyay KAALO NETHERLAND oo ay ku amaaneen fulinta barnaamijkan.

Masuuliyiinta ayaa sheegay inay tahay xaruntani mid qeyb ka qaadanaysa yareynta ama ciribtirka tahriibta, mukhaadaraadka iyo wax kasta oo waqtiga ka dhumiya dhalinyarada ku nool gudaha dalka.

Daawo Sawirada

Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST.