Goormee Roobow ka baxay Al-Shabaab? W/Q: Cabdulaahi Cismaan Faarax

Goormee Muqtaar Rooboow ka baxay Al-Shabaab ayaa noqotay dooda ugu xoogan 48-dii saac ee lasoo dhaafay kadib isu soo dhiibistiisii Dowladda Somalia ee maalintii shalay .

Kooxdda sidda daalibkan u sameysan ee Al-Shabaab waxey baahiyeen inuu 7 sano ka hor kooxdda ka baxay kadib qilaaf soo kala dhex galay isaga iyo hogaamiyihii geeriyooday ee kooxdda Axmed Cabdi Godane.

Hadaba maxaa ka run ah arintaan ?

Muqtaar Rooboow Cali oo gudaha Al-Shabaab looga yaqaano Abuu Mansuur, waxaan la kulmay 2 jeer intii aan ahaa suxufi wardoon ah.

Waa wadaad aftahan ah oo meel fudud wax kaa tusin kara, mar walba waxaan aheyn kuwa hadalkiisa uu ku siiyo Teleefoon (Shir jaraa’id oo hawadda ah ) laakiin 2010-kii xili galab ah ayaan ka mid noqday 7 saxafi oo ay Al-Shabaab ugu yeereen arin aanan mowduuceeda la aqoonin oo waliba u muuqatay mid kadis ah.

Saxafiyiin aan hadda ka xasuusto Ismaciil Istiila , Liibaan Cumar, Maxamed Ibraahim Raage oo dhintay (AUN) iyo Howl wadeenadda Al-Jazeera ayaa ka mid ahaa safkeena oo qaarkeen aan lug ku tagnay guri la ii sheegay markaas iney Al-Shabaab ka qabsadeen C/wali Qanyare mise hubo in gurigga C/wali Qanyare lahaa, Ma aheyn markii koowaad ee aan gurigaas tago oo maalin ka horeysay ayaan tagnay inagoo baddan xili Shabaab ay soo bandhigayeen 2 askari oo Dowladda kasoo goosatay sida ay sheegeen.

Qofkeena ma fahmin ujeedada shirkaan qorax gaabka la abaabulay, markii aan meesha tagnay waxaa joogay Muqtaar Roobow, Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere ) oo wajigiisa ay maalinkaas iigu horeysay iyo dad kale oo aan ka xusi karo Xasan Xanafi Xaaji oo Al-Shabaab dhanka warbaahinta kala shaqeyn jiray kaas oo ay Dowladda Somalia toogasho ku fulisay, waxaan xasuusta inaan wariyaasheena maxaliga ah 30 daqiiqo sugeynin saaxibadda Al-Jazeera oo xoogaa soo daahay, inta aan xasuusto Al Shabaab mahadli jirin iyadoo aaney imaanin Al –Jazeera madaama loo arko TV buun buuniya xoogaga islaamiga ah ee dunidda oo dhan ku firirsan.

Roobow ayaa hadalka furay oo sheegay inuu rabo inuu wareejiyo afahayeenimadda Al-Shabab uuna ku wareejiyo Cali Dheere oo markaas ahaa wakiilka Al Shabaab ee gobalka Gal-gaduud, saxafiyiinta waxa uu ku yiri waxaad fasax u tihiin inaad su’aasha rabtaan I weydiisan, Sidoo kale waxaan aad u xasuusta inuu yiri “Sidaad doontan ii sawirta maanta dib dambe iima sawiran doontaane ”

Dadka su’aalaha dhiibtay oo aan ku jiray waxaan weydiiyay “Malaga yaaba inuu jiro qilaaf gudaha ah oo aad xilkan uga dagtay ” laakiin waxaa uu iigu jawaabay isagoo xiran dharka ciidanka qorina garabka ugu jiro,wiilal afafku u xiran yihiina hareeraha ka joogaan “Qilaaf ma jiro ee dhinac kale ayaan ka qabanaya shaqada jihaadka “.

Aadbaan u shakiyay maalinkaa ,markii aan soo baxnay saaxibadey iguma raacin inuu jiri karo qilaaf kooxdda iyo Rooboow ah waxaana ay badi qabeen madaama ay odayaasha beelaha Hawiye ku dhaleeceeyen Muqtaar Rooboow gumaadka dadka Muqdisho dagan in kooxdda Al-Shabaab ay ciyaartay qadiyad kale oo ah in Hawiye iyaga la isku baneeyo wixii war ah taasina ay tahay sababta Cali dheere loo magacaabay.

Anoo wali shakigii qaba ayaan daarta Amal ee suuqa Bakaaraha 3 habeen kadib ku arkay Ibraahim Roobow oo la dhashay Muqtaar Rooboow oo isna kooxdda ka tirsana, Ibraahim oo uu iskeen baray nin la oran jiray Shiikh Maxamed Ibraahim Bilaal oo sheegan jiray inuu madax ka yahay Golaha Camalka Islaamka ayaan casho iyo wada shekeysi kadib weydiiyay tuhunkeygii ahaa inuu Muqtaar Roobow kooxdda ka carooday, wuxuu ii muujiyay inuu qilaaf jiro balse uusan rabin inuu ku dheeraado arinkaas.

Maalintaas ilaa hadda waxaan aaminsanaa inuu Roobow ka baxay Al-Shabaab ama ka carooday kooxdda, waxaase ugu dambeyn shalay i shaki bixiyay Al Shabaab oo sheegay inuu 7 sano ka hor ka baxay balse ay siiyeen ciidan ilaaliya madaama uu Mareykanku ku raad joogay.

Waxaan halkaan ka fahmi karnaa inuusan Roobow waxba hadda kala socon hanaanka ay Al Shabaab u shaqeyso iyo halka ay wax marayaan madaama uusan 7 sano wax lug ah kulaheyn dhaq dhaqaaqa kooxdda, intii uu Rooboow ka maqnaa Al Shabaab waxaa dhacay is badalo badan oo kooxdda dhexdeeda ah ,inkastoo aan laga hor dhici karin hadana ma muuqato wax badan oo uu kusoo kordhin karo sirdoonka Dowladda Somalia sargaal 7 sano dibad joog ka ahaa Al-Shabaab kuwasoo la aaminsan yahay iney mar walba falsafadooda wax ka badalaan.

Waxaa Qoray : Cabdulaahi Cismaan Faarax
Raafac22@gmail.com