Daawo Puntland oo dhaqdhaqaaq ka dhan ah Somaliland ka bilowday Gobolka Sool

Cutubyo ka tirsan ciidamada kumaandoosta Puntland ee DANAB ayaa u ruqaansaday deegaano ka tirsan Gobolladda Sool iyo Sanaag ka dib markii maalmihii u dambeeyay maamulka Somaliland uu ka bilaabay dhaq dhaqaaq uu ku doonayo in la keeno degmooyin ku yaala xadka labada dhinac ku muransan yihiin sanaadiiqda codbixinta doorashada.

Taliyaha Ciidanka Kumaandoosta Puntland Korneyl Jimcaale Jaamac Takar oo hogaaminaya ciidamo ku gaashaaman saanad culus iyo gadiidka dagaalka ayaa ku sheegay ujeedada ay u tageen deegaano ku yaala  Gobolka Sool inay la xiriirto ka hortaga faragalinta maamulka Somaliland iyo difaaca dhulkooda.

Sidoo kale saraakiisha hogaaminaysa ciidamada Puntland ee fariisimaha ka samaystay xadka Somaliland iyo Puntland ay ku muransan yihiin ayaa kulamo ay shacabka uga dalbanayaan wada shaqeyn iyo gacansiin la yeeshay Odoyaasha iyo Waxgaradka ku nool deegaano kala duwan oo ku yaala Gobolka Sool.

Wuxuuna kusoo beegmayaa heeganka Puntland ay ku dhoobtay ciidamo fara-badan furinta Somaliland xilli maalmihii u dambeeyay hadalo hanjabaad ah ay warbaahinta isu marinayeen masuuliyiin labada dhinac ka kala tirsan.

Haddaba daawo warbixin muuqaal ah oo ay Warbaahinta PUNTLAND POST kasoo diyaarisay qaar ka mid ah ciidamada Puntland ee gaarey Deegaano u dhaw Degmooyinka Xalin,Taleex iyo Tukaraq oo dhamaan ka tirsan Gobolka Sool.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST