Mukhtaar Roobow Cali Abuu-Mansuur oo isku dhiibay Maamulka Koonfur-galbeed


Xudur (PP) ─
Warar goor-dhaw naga soo gaaray Gobolka Bakool, ayaa waxay sheegayaan in Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali [Abuu Mansuur] uu isku dhiibay maamulka Koonfur-galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Is-dhiibidda Sheekh Abu-Mansuur ayaa ku timid kaddib wadahadallo saacado badan qaatay oo ay yeesheen Sheeekh Roobow iyo mas’uuliyiin maamulka Koonfur-galbeed ka tirsan oo ku sugan Gobolka Bakool, Waxaanu Sheekhu is-dhiibay iyadoo aanay wax ciidammo ah la socon.

Afhayeenka madaxtooyada Maamulka Koonfur-galbeed Nuuraddiin Gacma ayaa u xaqiijiyey warbaahinta, in Sheekh Abuu-Mansuur loo soo qaadi doono degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Sidoo kale, Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo Mareykanka uu dhawaan ku dhawaaqay inuu liiska kooxaha argagaxisada ah ka saaro Sh. Abu-Mansur oo muddo sannado ah lacagi dul-saarnayd.

Go’aanka Xukuumadda Mareykanka ay Sheekh Abuu-Mansuur uga saartay liiska kooxaha argagaxisada ah ayaa sababtay in Sheekh Rooboow uu kala kulmo culeys kooxdii uu ka tirsanaa ee Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Dagaallo labadii maalmood ee lasoo dhaafay Gobolka Bakool ku dhexmaray ciidamada Al-shabaab iyo kuwa Sheekh Mukhtaar Roobow oo loo yaqaan Abu-mansuur ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 40-ruux iyo dhaawac tiro intaas ka badan.

PUNTLAND POST