Rabshado ka dhashay Guushii Madaxweynaha Kenya oo ka bilowady Magaalooyin dhawr ah


Nairobi (PP) ─
Magaalooyin ka tirsan dalka Kenya ayaa waxaa xilligaan ka socda dibadbaxyo rabshado wata oo ka dhashay doorashadii uu xalay ku guuleystay madaxweyne Uhuru Kenyatta. Iyadoo rabshadahan ay dhaliyeen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dibadbaxayaaha iyo ciidamada booliiska Kenya ayaa isku dhacay, iyadoo la sheegay in ciidamada booliisku ay toogasho ku dileen 11 ruux oo ka mid ah dadkii kasoo horjeeday guushii Kenyatta.

Taageerayaasha murashaxii looga guuleystay doorashada Raila Odinga ayaa magaalooyinka iyo xaafadaha ay ku badan yihiin ka dhigeen bannaan-baxyo rabshado wato oo lagu diidan yahay guushii Kenyatta, halka taageerayaasha Uhuru ay iyagana wadooyinka isugu soo baxeen si ay u muujiyaan guusha murrashaxooda.

Bannaanbaxyadan rabshadaha wata ayaa waxay ka dhaceen, Kisumu oo ay ku badan yihiin taageerayaasha Raila Odinga, kuwaasoo ku qaylinayay erayo ay ka mid yihiin inaysan aqbalayn natiijadii doorashadii ka dhacday Kenya ee uu ku guuleystay Kenyatta.

Wakaalada wararka Reuters oo soo xiganaysa saraakiisha booliiska ayaa ku sheegtay warbxin ay daabacday in dhawr qof lagu dilay magaalada Nairobi ee xarunta Kenya.

Sidoo kale, Warbaahinta kale ee Kenya ayaa baahiyay in ciidamada booliska ay xaafadaha saboolka ah hawl-galo ka fuliyeen, kalana soo baxeen dad aad u badan oo xlligaas ku sugnaa guryahooda, isla mrakaana u gestay jid-dil aad u xooggan.

Dalka Kenya ayaa waxaa ka taagnayd baqdin tan iyo markii Talaadadii lasoo dhaafay ay ka dhacday doorashada madaxnimo, taasoo guushu ay ku raacday madaxweynaha xilka sii hayay ee Uhuru Kenyatta.

Ugu dambeyn, Wasiirka arrimaha gudaha dalka Kenya, Fred Matiang’i ayaa shacabka ugu baaqay inay nolol-maalmoodkooda qabsadaan, isla markaana deganaan muujiyaan. Isagoo ku eedeeyay rabshadaha dhacaya kooxo uu ku tilmaamay qas-wadayaal.

DAAWO SAWIRRADA:
  

PUNTLAND POST