Munaasabad lagu xusayey maalinta dhalinyarada adduunka oo Garowe lagu qabtay

Waxaa maanta magaaalada Garowe laga xusay maalinta dhalinyarada Adduunka oo maanta ku beegnayd , munaasabad ay soo qaban qaabisay Ha’yadda World Vision oo ay ka qayb galeen Wasiirka Dhalinyarada iyo Masuliyiin kale.

Masuuliyiin kala duwan ayaa madasha hadalo ka jeediyey, waxay dhamaantood ka hadleen muhiimada ay dhalinyaradu leedahay, iyagoo qaarkood ka sheekeeyey awoodaha iyo sida looga faa’iideysan karo.

Cali Salaad oo ka socday Ha’yadda World Vision ayaa dhalinyarada kula dar daarmay inay ka shaqeeyaan Nabada iyo hormarka dalka, isagoo sheegay in World Vision ka go’antahay garab istaaga dhalinyarada Soomaaliyeed, wuxuu intaas raacshay inay muhiimad gaara u leedahay maanta.

Wasiirka Dhalinyarada, Cayaaraha , Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Axmed Cabdullaahi ayaa sheegay in dhalinyarada Puntland ay maanta muhiimad gaara u leedahay, isagoo kula dar daarmay inay ka shaqeeyaan isku xirnaantooda iyo hormarka wadanka, wuxuuna u mahadceliyey Ha’yadda Worlad Vison oo munaasabada qayb weyn ka qaadatay.

Maanta oo kale dunidda inteeda badan waxaa laga xusaa maalinta dhalinayada Adduunka , waxaana inta badan laga hadlaa caqabadaha hortaagan, awooda dhalinyarada iyo muhiimada ay ummadda u leeyihiin.

Sawirro.


PUNTLAND POST

XASAN BASHE.