Mid ka mid ah Maamul-goboleedyada Somalia oo hub ku Wareejiyay Abuu-Mansuur Rooboow


Xudur (PP) ─
Ilo wareedyo lagu kalssoon yahay ayaa sheegaya in mid ka mid ah wasiirrada maamulka Koonfur-galbeed Somalia uu hub fara badan ku wareejiyay Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali [Abu-Mansuur], si hubkan uu ugu adeegsado dagaalka uu kula jiro Al-shabaab.

Ciidamada Sheekh Abu-masuur iyo kuwa Al-shabaab ayaa laba jeer waxay iska-horimaadyo culus ku dhexmareen deegaanka Abal oo ku dhaw Xudur oo ah xarunta Gobolka Bakool.

Wasiirka Amniga Koonfur-galbeed Xasan Xuseen Maxamed [Eelaay], ayaa la sheegay in hub kala duwan uu ku wareejiyay Sheekh Roobow, kaddib kulan ay ku yeesheen deegaanka Abal oo wadaadku dhuumaaleysi ku joogay tan iyo markii ay Al-shabaab isku dhaceen.

“Sheekh Abuu-Mansuur iyo xubno ka tirsan maamulka Koonfur-galbeed oo kulan yeeshay ayaa isku af-gartay inay iska kaashadaan dagaalka Kooxda Al-shabaab ay kawaddo gobolka oo dhan” ayuu yiri mas’uul ka tirsan Koonfur-galbeed oo warbaahinta la hadlay.

Dhanka kale, Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Koonfur-galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ku wajahan yahay degmada Xudur oo la filayo inuu kula kulmo mas’uuliyiin ka socota Sheekh Rooboow.

Al-shabaab ayaa isku dayaysay maalmihii lasoo dhaafay inay ka taqalusto wadaadkan baxsadka ka ah, kaasoo dhawaan uu Mareykanku ka qaaday xayiraaddii saarnayd.

Ugu dambeyn, wixii kasoo kordha dagaalka Al-shabaab iyo wadaadka Sh. Abu-mansur waxaad kula socon doontaan wararkeenna soo socda, inagoo daqiiqad daqiiqad idin kugu soo gudbin doona.

PUNTLAND POST