Maxkamad ku taalla Hindiya oo mar kale xukuntay Soomaali ku jira xabsiyada dalkeeda


New Delhi (PP) ─
Maxkmad ku Taala wadanka Hindiya ayaa 26-maxbuus oo Soomalai ah ku xukuntay min toddobo sanno oo xarigah, waxaana lagu eedeeyay dhalinyaradan inay Afduubteen doon kaluumeeysi iyo 24-shaqaale ah oo u dhashay dalka Thailand sannadkii 2011-kii.

Garsooraha maxkamadda xukunka ridday oo   lagu Magacaabo, Jayendara Jagdal ayaa sheegay in dhalinyaradan lagu helay isku day dil, afduub iyo fal kasoo horjeeda madax-bannaanida iyo ammaanka dalka Hindiya.

Sidoo kale, Maxkamaddu waxay dul-saartay maxaabiista la xukumay ganaax lacageed oo dhan 17,000 oo Rubbiis [Lacagta Hindiya] mid kasta oo ka mid ah maxaabiistan la xukumay.

Dhanka kale, 26-kan maxaabiista ah ayaa waxaa la filayaa in lagu wareejiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib marka la xukumo kua dhimman ee wali ku jira xabsiyadda Hindiya.

Ugu dambeyn, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, Yuusuf Garaad Cumar ayaahoray u sheegay maxaabiis kale oo tiradoodu dhan tahay 61 lagu wado in xukunno lagu rido 19-ka bishan Ogoosto.

PUNTLAND POST