Maxay tahay sababta ay Hoggaamiyayaasha Afrika ay Dibadda ugu Aadaan Caafimaad?

Muqdisho (PP) ─ Madaxwaynayaasha Nigeria, Angola, Zimbabwe, Benin iyo Algeria ayaan dhammaantood kalsooni ku qabin adeegayada caafimaad ee wadamooda. Waxayna wakhti badan ku bixayaan wadamada dibada si ay isu daaweeyaan.

Madaxwaynaha Nigeria Muhammadu Buhari ooa 74 sano jir ah ayaa kamid ah madaxda Afrikaanka ah ee dibada u aada adeegayada caafimaad. Hoggaamiyayaasha waddamdaan ayaa sanadihii ugu danbeeyey safaro dhowr ah u galay wadamada reer galbeedka si ay isugu soo daweeyaan.

Wadamada ay ka taliyaan ayaa adeegyada caafimaad yihiin kuwo liita, halka shacabka wadamadaasina ay ku tiirsanyihiin

2010-kii cel-celis ahaan lacagta ay ku kharash gareeyeen caafimaadka halkii qofba ee wadamdaas waxaa lagu qiyaasya $135, halka wadamada dakhligoodu sarreeyo ay ka tahay $3.150.

Hay’adda caafimaadka adduunka ayaa sheegtay in tusaale ahaan dalka Zimbabwe in isbitaalada ay dawladdu maamusho iyo goobaha kale ee caafimaad ay gabaabsi ku tahay dawooyinka sida kuwa loo cuno xanuun baab’inta. Waxaana aad u hooseeya adeegyada ay shacabku ka helaan goobahaas.

Halka dalka Nigeria adeegyada caafimaadku ay meelaha qaar gabaabsi yihiin, sababtoo ah ma jiraan maal gelin ku filan oo ay ka helaan dawladda dhexe sida uu soo sheegayo weriyaha BBC-da ee Abuja Naziru Mikailu.

Dadka shacabka ayaa inta badan ku tiirsan adeegyada caafimaadka ee ay bixiyaan dawladuhu, waxaana dadka lacagta leh ay daawaynta u raadsadaan goobaha caafimaad ee sida gaarka ah loo leeyahay.

Madaxwaynaha Nigeria ayaa muddo afar bilood ah ku qaatay magaalada London ee UK, halkaas oo looga daawaynayay xanuun aan ilaa hadda la garanayn nooca uu yahay. Waxaana uu xilka uga sii tegay ku xigeenkiisa.

Caafimaad-darrada Buhari ayaa bilaabatay 2017-ka

19-kii January: Wuxuu u safray UK ” isaga oo qaatay fasax caafimaad”

5-tii February: Baarlamaanka ayuu waydiistay in wakhti loogu darro si caafimaad dibada ugu aado

10-kii March: dalkiisa ayuu kusoo laabtay , laakiinse si dhakhso ah shaqada uma bilaabin

7-dii May: Wuxuu u safray UK si uu caafimaadkiisa usoo hubiyo

6-dii June: Xaaskiisa Caa’isha ayaa sheegtay in caafimaadkiisu soo fiicnaaday

Madaxwaynaha Zimbabe Robert Mugabe ayaa xilka madaxtinimo ee dalkaas hayay ilaa 1980-kii, Waxaana la sheegayaa in dalka uu ka maamulo sariir uu caafimaad ahaan u jiifo, kadib markii uu saddex jeer caafimaad u aaday Singapora sanadkan oo keliya.

Madaxwaynaha Angola Jose Eduardo oo isna dalkiisa maamulayay 38 sano ee lasoo dhaafay ayaa dhowr jeer safar u aaday Spain sababo lagu sheegay caafimaad.

Afhayeenka mucaaradka Evaristo Da Luz, ayaa sheegay in ay tani caddayn u tahay wax qabad la’aanta dawladda mudadii ay xilka haysay.

Xaaladda caafimaad ee madaxwaynaha Algeria Abdelaziz Bouteflika oo jira 80 sano, ayaan wax war ah laga hayn muddo dheer.

Wuxuu xanuusanaa tan iyo sanadkii 2013-kii, waxaana markii ugu horraysay la arkay isaga oo ku socda gaariga curyaamiinta 2014-kii, halka mar saddexaadna la arkay isaga oo loo wado dalka Faransiiska oo uu caafimaad u aaday.

Dalka Benin ayaa waxaa xilka madaxtinimo haya nin da’ ahaan ka yar madaxda kale waxaana uu dhankiisa safar u aaday Faransiiska bishii June. iyadoona lagu sameeyey laba qalliin oo kala duwan. Mid kamid ah ayaa looga qalaykansarka ku dhaca taranka ragga halka mid kalena uu ahaa habdhiska dheef-shiidka.

Dalxiis Caafimaad

Ma jiro afhayeen dawladeed oo ku sheegay sababta madaxdu dibada u aadaan in ay tahay adeegyada caafimaad ee wadamadaas oo fiican.

Afhayeenka Mugabi, ayaa ka gaabsaday in uu faah faahin ka bixiyo sababta madaxwaynuhu dhowr jeer u aaday Singapora, isaga oo ku dooday inaan arrintaas looga tusaale qaadan karin adeegga caafimaad ee dalka.

George Charamba ayaa intaas ku daray inaan dhakhaatiirta madaxaynuhu u dhalan Zimbabe oo keliya, ” Maaha Zimbabwi-yaan oo keliya, runtii waa madow… aad iyo aad ayuu madaw u yahay”.

Arrintan oo loo arko in ay tahay “dalxiis caafimaad”, ayaa waxaa hormuud u ah madaxda siyaasada oo malaayiin doolar ku bixiya wadamada ay adeegyada caafimaad u raadsadaan.

2013-kii celi-celis ahaan dadka reer Nigeria ayaa caafimaadka ku bixiyay $1 bilyan oo doolar oo ay u aadeen dibada, waxaana la qiyaasayaa in tiradu ay laba jibaar noqotay.

Dhakhaatiirta ugu fiican Nigeria ayaa ka hawlgala wadamo dibadda ah, iyaga oo raadinaya dhaqaale ka fiican kan ay ka helayana dalkooda.

Dr Enabulele ayaa u sheegay madaxwaynaha Nigeria in adeegyada caafimaad ee uu u aadayo dibadda uu ka heli karo dalkiisa.

Marka si guud loo eego, maalgelin la’aanta caafimaad ee dalalkaas, ayaa ah dhibaatada ugu wayn ee haysata.

Madaxwaynaha Suudaan Cumar Al-bashiir ayaa bishii January baaritaan dhanka wadnaha ah looga sameeyey isbitaal ku yaalla magaalada Khartuum. Balse wuxuu mid si gaar ah loo leeyahay oo ma ahayn mid ay dawladdu maamusho.

Xigasho; BBC Somalia

PUNTLAND POST