Madaxweyne Farmaajo oo u hambalyeeyay Uhuru Kenyatta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta oo mar labaad dib loo doortay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Madaxweyne Kenyatta ma aha saaxiib qura, balse waa hoggaamiye dadaal badan oo dareen horumarineed leh. Waan ugu hambalyeynayaa guushiisa.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in uu kalsooni weyn ku qabo dib u doorashada Madaxweyne Kenyatta ayna sii xoojineyso xiriirka wanaagsan ee haatan ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

“Aniga iyo Madaxweyne Kenyatta waxaan wadaagnaa hiraal ku dhisan nabad, xasillooni iyo koboc dhaqaale oo dhexmara labadeenna dal iyo guud ahaa gobolka.” ayuu yiri mar labaad madaxweyne Farmaajo

Soomaaliya waxaa kala dhaxeeya Kenya xiriir dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed oo qotodheer, kaas oo sii xoogeystay kaddib markii Madaxweyne Farmaajo uu booqday Nayroobi bishii Maarso ee sanadkan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka go’an in ay hormariso nabadda, ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaale ee ay la wadaagto Kenya.

PUNTLAND POST