Madaxtooyada Puntland oo maanta lagu dhaariyey Wasiirru Dawlaha Duulista Hawada Iyo Garoomada

Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 12 August 2017 qasriga Madaxtooyada Garoowe lagu dhaariyey Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Cabdiqani Geelle Maxamed oo ka mid ahaa Golihii Wasiirada Cusbaa ee Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Magcaabay 06 August 2017, laguna dhawaaqay magcaabistooda 07 August 2017.

Munaasibadda dhaarta  ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, xubin ka tirsan Maxkamadda Sare ee Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhaarta kadib kula dardaarmay masuulkani in uu xilka loo igamaday uga soo dhalaalo si masuuliyaddi ku jirto, isla markaana Waxa uu Madaxweynuhu tusay masuulka u tusaaleyeyna muhiimadda uu u leeyahay Puntland iyo shacabkeedaba xilkan uu u qabtay, isgoona sheegay Madaxweynuhu in Puntland maanta leedahay garoomo diyaaradeed oo caalami ah ( international Airports), kuwaas oo u baahan shaqo badan, maarayn iyo dardargelin garoomadda weli dhismuhu ku socdo sidii loo dhamaystirilahaa.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ku booriyey masuulikani in uu markasta ka feejignaado, kana fogaado wax kasta oo shaqadiisa xumaynaya, isla markaana gaabis ku keenaya hawlihiisa shaqo ee xafiis,

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa u beyaamiyey masuulkani mar labaad shaqada lixaadkale ee u taala inay tahay mid horumar iyo manfacba u leh Dawladda Puntland iyo shacabkeda, isla mar’ahaantaan laga sugayo shaqo leh xilkasnimo, geesinimo, daacadnimo iyo dedaal dheeraad ah.

Ugu Danbayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiwli Maxamed Cali Gaas ayaa Alle ‘’SWC” uga baryey masuulkani unuu u fududeeyo shaqadan qaran ee uu u qabanayo dadkiisa iyo dalkiisa.

=DHAMMAAD==

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND