Iska hor imaad ka dhacay duleedka Gaalkacyo

Wararka ka imaanaya Gobalka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar khasaaro dhaliyey ay rag hubaysan ku qaadeen qoys xoola dhaqato ah oo ku nool duleedka deegaanka Godad oo dhaca Bariga Magaalada Gaalkacyo.

Inta la Xaqiijiyey hal ruux ayaa dhintay tiro kale waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii Xalay Kooxo hubaysan ay rasaseeyeen Qoys Xoola dhaqato ah,  sida ay xaqiijiyeen dadka Deegaanka uu falku ka dhacay, halkaasi oo wali ay ka taagan tahay Xiisad ka dhalatay dhacdadaasi.

Dhanka kale ma jiro wax dhaqdhaqaaq ah oo ay sameeyeen Maamulada Galmudug iyo Puntland oo dhawaan sameystay Ciidamo isku dhaf ah oo la sheegay in ay sugi doonaan amaanka Gobalka Mudug oo caan ku ah Dagaal beeleed iyo dilal ku salaysan Aanooyin Qabiil.

PUNTLAND POST