Khasaaraha ka dhashay Dibadbaxyadii Rabshadaha Watay ee Kenya oo Sare u kacay

Nairobi (PP) ─ Waxaa sare u kacay khasaarhii ka dhashay dibadbaxyo rabshado wata oo ka dhacaya Kenya maalin kaddib markii Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta dib loo doortay mar kale.

Inta la ogyahay 25-qof ayaa illaa hadda dhintay, iyadoo kalena dhaawacyo ay soo gaareen, waxaana Magaalooyin ay ka mid tahay Nairobi ka socda dibadbaxyo rabshado wata, kuwaasoo sababay inay isku dhacaan ciidamada booliisska iyo taageerayaasha mucaaradka.

Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Waddanka Kenya ayaa sheegay in dadka la dilay uu ku jiro wiil yar oo lix jir ahaa, waxaana guddigu uu intaas ku daray in dadka dhintay ay ku jiraan haween.

“Dhimashada dadkan waxay salka ku haysaa doorashadii ka dhacay Kenya,” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga Kagwiria Mbogori, isagoo intaas ku daray. “Dadka dhintay waxaa ku jira dad isku qoys ahaa, waxaana sababay isku-dhacyo dhexmaray booliiska iyo dad dibadbaxayaal ah.”

Sidoo kale, Mbogori ayaa sheegay in 17-qof oo ka mid ah dadkaan lagu dilay maanta oo keliya magaalada caasimadda ah ee Nairobi. Isagoo booliiska ku eedeeyay inay isticmaaleen rasaas toos ah.

Xaafadda Kibera oo ku taalla magaalada Nairobi ayaa la sheegay inay ahayd halkii ay rabshadaha ugu ballaaran ka dhaceen, waxaana la xaqiijiyay in ay ku dhinteen lix qof oo shacab ah, kaddib isku dhac dhexmaray taageerayaal mucaarad iyo booliiska.

Ugu dambeyn, Isbahaysiga mucaaradka Kenya ayaa ku eedeeyay booliiska Kenya inay dileen 100 qof oo ay ku jiraan carruur, iyadoo mas’uul lagu magacaabo James Orengo uu sheegay in booliiska Kenya ay iyagu rabshadahaan ka dhacaya Kenya billaabeen, isla markaana ay shacabka si toos ah u beegsadeen.

PUNTLAND POST