Al-shabaab oo xukun toogasho ah ku fulisay laba ruux oo ay ku eedeeyeen dambiyo kala duwan

Jamaame (PP) ─ Al-shabaab ayaa Degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Dhexe ku dishay laba ruux oo ay ku eedeysay jaajuusnimo, waxaana dilkan uu ka dhacay goob fagaare ah.

Garsooraha maxkamadda ayaa xukunkaan ku dhawaaqay, isagoo sheegay in ay labada ruux oo rag ah qirteen dambiyada lagu soo oogay, balse ma jirin qareen ka difaacayay dambiyada lagu soo oogay raggaan la toogtay.

Sidoo kale, Qaadiga maxkamada Al-shabaab ayaa goobta fagaaraha ee lagu fuliyay ka hadlay ayaa sheegay in labadan ruux ay u kala shaqeynayeen sida uu yiri; Maamulka Jubbaland iyo Dowladda Kenya.

Labadan ruux ee la toogtay ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin; Ibraahim Abuukar Farxaan oo da’diisu ahayd 27-jir iyo Siidii Axmed Muxamed Maadey oo isna da’diisu ahayd 26-jir.

Fagaaraha uu dilku ka dhacay ayaa waxaa ku sugnaa dadweyne degmada Jamaame ku nool, waxaana labada ruux toogtay dhallinyaro bastoolado ku hubeysnaa, iyadoo dilka kaddibna maydadka labadan ruux goobta ay ka qaadeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Mas’uuliyiinta Al-shabaab ayaa ka sheegay goobta inay sidan oo kale u dili doonaan cidii ay ku helaan jawaasiinimo, iyadoo aysan ahayn markii ugu horreysay oo ay Al-shabaab fuliso dilal noocan oo kale ah.

PUNTLAND POST