Shirkadaha ka hawlgala Garoonka Muqdisho oo la sheegay in laga rari doono Halkaas


Muqdisho (PP) ─
Wasiirka Arimaha Dibadda ee Soomaaliya, Yusuf Garaad Cumar Axmed, ayaa maanta sheegay in shirkadaha ajaaniibta ah laga rarayo Gudaha Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Yuusuf Garaad oo la hadlay Idaacadda Dowladda ayaa sheegay in dhismaha shirkadaas ay ku hawl-galaan ay caqabad weyn ku yihiin shaqada Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa tilmaamay in shirkadahaas la geyn doono goobo kale oo ay ku hawl-galaan si buu yiri ay u fududaato shaqada kale ee xilligan ka socota garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Wasiirka ayaa hadalkiisan wxuu kusoo beegayaa iyadoo dhawaan dowladda federaalka ay sheegtay in shirkadaha ajaanibta ah ee dalka ka shaqeeya ay bixiyaan canshuuraha ku waajibay.

Dhanka kale, Shirkado badan oo shisheeye ah ayaa hawlo kala duwan ka wada gudaha Garoonka Diyaarada Muqdisho, taasoo uu wasiirku sheegay in ay caqabad ku noqonayso hawlaha garoonka.

Ugu dambeyn, Hadalkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Somalia uu ku dhawaaqo, balse ma uusan sheegin halka dhab ahaan la dajin doono shirkadahan oo qaarkood sababo amaan u dagay garoonka gudihiisa.

PUNTLAND POST