Gudiga Doorashooyinka Kenya oo ku dhawaaqay natiijada doorashadii Madaxnimo


Naiorbi (PP) ─
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada ee Kenya, Wafula Chebukati ayaa ku dhawaaqay natiijadii kama dambeysta ahayd ee  doorashada madaxnimo ee Kenya ka dhacday Talaadadii lasoo dhaafay, iyadoo goobta looga dhawaaqayo natiijada aysan ku sugnayn xubnaha isbahaysiga mucaaradka ee NASA.

Chebukati ayaa sheegay in madaxweynaha talada Kenya haya dib loo doortay, isagoo xusay inuu helay codad gaaraya 8,203,290, taasoo ka dhigaysa inuu helay codadkii loo baahaa ee ahaa 54%. Wuxuuna Guddoomiyuhu xusay in dib loo doortay Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto.

Magaalooyinka Waa-weyn ee Kenya ayaa laga soo sheegayaa Xiisado kala duwan, iyadoo aan la ogeyn sida xaaladdu noqon doonto, maadaama ay xubnaha mucaaradka dalkaas sheegeen inaysan aqbali doonin natiijo walba oo kasoo baxda guddiga doorashada Kenya.

Sidoo kale, Chebukati ayaa shacabka Kenya ugu baaqay inay is-dajiyaan, isagoo ka digay inay dhibaatooyin dhacan, maadaama natiijadaan aysan ahayn mid ay iyagu jeebkooda ka keensadeen.

Goobta looga dhawaaqayay natiijada ayaa waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin ka kala socda caalamka oo kormeerayaal ah iyo safiirrada dalalka safaaradaha ku leh Nairobi.

Afhayeen u hadlay Isbahaysiga mucaaradka ah ee NASA, ayaa sheegay inay cabashooyinkooda horay ugu gudbiyeen guddiga doorashooyinka, laakiinse aan waxba laga soo qaadin, sidaa daraadeedna aysan aqbali doonin natiijo walba oo lagu dhawaaqo.

Doorashada Madaxnimo ee Kenya ayaa waxay ahayd mid caalamka oo dhan uu indha ku hayay, waxaana dhanka kale jirtay cabsi weyn oo shacabku ay ka qabeen natiijada doorashadu inay sababi doonto iska-horimaadyo.

Ugu dambeyn, Faahfaahinnada dheeraadka ah waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee Shabakadda Puntlandpost.

PUNTLAND POST