PUNTLAND POST oo booqatay Garoonka Diyaaradaha Bosaso

Bosaso-[Puntland Post] Magaalada ganacsiga Puntland ee Boosaaso ayaa waxaa ka socda hormar wanaagsan oo dhinaca dhismaha ah iyo waliba Shacabka Boosaaso oo markan fahmay in hormarka uu kujiro gacantooda.

Garoonka Diyaaradaha magaalada Boosaaso ayaana ah halka ugu horaysa ee bilowga u noqday horumarkaas hadaba Warbaahinta  Puntland Post oo ah Warbaahin had iyo jeer u soo gudbisa Shacabka Soomaaliyeed ee jecel in ay la socdaan hadba horumarka iyo bilicda ka jirta magaalooyinka dalka ayaa booqatay Garoonka .

Garoonka Diyaaradaha Boosaaso oo xariga laga jaray 01,08 ,2016 ayaa waxa uu samaynayey hormaro kala duwan waxana xiligan ka daga Diyaardo waaweyn waxaana la hagaajiyey bilicda iyo dhismaha Garoonka.

 Hadaba nala Daawo Sawiradii ugu danbeyey ee Garoonka Diyaaradaha Bosaso qaybo ka mid ah.

Cabdiqani Boos

Puntland Post  Bosaso