Saxafigii caanka ahaa Axmed Kismaayo oo ku geeriyooday Dalka Hindiya

Garowe(puntland Post)-Waxaa Dalka Hindiya ku geeriyooday Allaha u naxariistee suxufigii rug-cadaaga ahaa Axmed Maxamed Cali (Axmed Kismaayo) oo maalmahan ku xanuusanaayey Dalkaas.

Alle u ha u naxariiste: waa Sawirka marxuum Axmed Kismaayo

Axmed Kismaayo ayaa qaliin ku galay Isbitaal ku yaal magaalada Mumbai ee Dalka Hindiya, wuxuuna u geeriyooday xanuun ka haleelay dhuunta oo uu sanadihii u danbeeyey dareemaayey walow uu marba mar xalad maraayey.

Axmed Kismaayo Wuxuu ahaa saxafi rug-cadaaya oo kasoo shaqeeyey warbaahintii qaranka Soomaaliyeed ee Radio Muqdisho, sidoo kale wuxuu mudo dheer ka hawlgalyey Idaacada BBC, waxaa lagu tilmaami jirey barbaariyaha ama macalinka saxaafada Puntland, wuxuuna dhawaan qoray buug uu ugu magacdaray Layliga saxafiga si ay uga faidaystaan saxafiyiinta da’aada yar ee Soomaaliyeed.

marka laga yimaado saxaafada wuxuu Dawlada Puntland kasoo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid tahay agaasimaha guud ee warbaahinta Dawlada Puntland iyo gudoomiyaha gudiga kumeel gaarka ee doorashooyinka.

Warbaahinta PUNTLAND POST waxay tacsi u diraysaa qoyskiisa, qaraabada, warbaahinta Soomaaliyeed iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed oo uu kawada geeriyooday Axmed  Maxamed Cali… INAA LILAAHI WA INAA ILLAYHI RAAJUCUUN.

PUNTLAND POST