In ka badan 19 milyan oo qof oo Saaka u Dareeray Codbixinta Doorshada Kenya

Kenya-[Puntland Post] Guud ahaan dalka Kenya waxaa ka billowday codbixinta doorashada guud iyadoo ay dadka ku jiraan safaf dhaadheer. Meelaha qaar dadku waxay billabeen inay safka galaan 1-dii habeenimo inkastoo ay codbixinta si rasmi ah u billaabatay 6-dii arroornimo.

In ka badan 19 milyan oo qof ayaa u diwanagalsan codbixinta maanta.

Dadka Kenyanka ah ayaa waxa ay u codayn doonaan 6 jago laga soo billaabo madaxwaynaha ilaa golaha wakiilada degmooyinka.

Waxaa jagada madaxwaynanimada ku tartamaya 8 musharax oo ay uga cadcad yihiin madaxwaynaha iminka xilka haya Uhuru Kenyatta iyo hogamiyaha mucaaradka Raila Odinga.

Si uu musharaxa ugu guulaysto jagada madaxwaynaha wareega kowaad, waxaa looga baahan yahay boqolkiiba 50 lagu daray 1(50+1)oo ka mid ah codadka la dhiibtay.

Doorashadii aanu soo dhaafnay Mr Kenyatta ayaa ku guulaystay doorashada isaga oo helay 50.51 boqolkiiba halka Mr Odinga uu helay 43.7 boqolkiiba.

Haddii la waayo musharrax hela boqolkiiba 50 iyo hal cod , wareeg labaad ayaa la galayaa ,waxana ay tahay in doorashada wareega labaad la qabto mudo 30 maalmood gudahood ah.

Gudiga doorashada ayaa waxa ay sharciyan haystaan in muddo 7 maalmood gudahood ah ay ku dhhwaaqaan natiijada madaxwaynanimada.

Doorashada guud ee Kenya ayaa wax ka qaybgalaya musharaxiin kor u dhaafaya 14,000 qof oo u tartamaya jagooyiinka kala duwan.

Boqolkiiba 45 ka mid ah dadka doorashadan Kenya codaynaya waxa ay da’dooda ka hoosaysaa 35 jir.
Tirada goobaha codadka laga dhiibanayo ayaa waxa ay dhan tahay 1451 xarumood .

Dhanka ammaanka waxaa loo diyaariyay in ay sugaan 180,000 oo askeri oo sugi doona ammaanka xilliga doorashada iyo ka dib ba.

Toban sano kahor waxa jiray rabshado argagax leh oo ka danbeeyay doorashooyinkii waddanka ka dhacay, qofne ma doonayo inay soo laabtaan rabshadahaasi.

Laakiin sida ay aragtida codbixintu saadaalinayso labada murashax ee Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga aad ayay isugu dhaw yihiin, taas ayaa keenaysa baqdinta ah in dhibaato dhacdo.

Hadba sida uu u guuleysto hannaanka codeynta ee computer-da ee guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddaha (IEBC) ayaa muhiim u ah in loo arko doorashadan in ay ku dhacday si xor iyo caddaalad ah.

Haddii hannaankan uu guuldaraysto sidii dhacday 2013, waxa codadka lagu tirin doonaa gacanta, taasina waxay wadanka u horkici doontaa si aan shaki ku jirin in qofka laga adkaado uu dood ka keeno natiijada.

2013-kii Raila Odinga waxa uu dacwad u gudbiyay maxkamadda isagoo ka cabanayay in doorashada la xaday. Xiligan waa markiisii afaraad, waxayna u muuqataa iskudaygisii ugu danbeeyay ee ku noqonayo madaxweyne, waxa suurtagal ah inuu ku baaqo in taageerayaashiisa ay wadooyinka isugu soo baxaan haddii uu arko in codadka doorashada la xaday.

Cabdiqani Boos 

Puntland PostÂ