FAALLO:- Hummaagga Baarlamanka Puntland Ansixinta Gollaha Wasiirada

18 July  2017 waxay ahayd maalin u cusub reer Puntland, waana maalintii ugu horeysay Abid oo baarlamankoodu xasaanada kala noqday dhamaan gollihii Xukuumadda oo lagu eedeeyay fashil iyo waxqabad la,aan.

Muddo 20 cisho ka dib Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo isla maalintiiba aqbalay go’aanka Baarlamanka ayaa mar kale soo magacaabay Golle Wasiiro oo tiradoodu ka kooban tahay 53 qof oo u badan Xukuumaddiisii horre ee Baarlamanku riday.

Haddaba waxaanu isdul taagi doonaa aragtida shacabka ee ku aadan waxqabadka iyo dhaliilaha qaar ka mid ah Xubnaha Wasiirada dib usoo noqday iyo kuwa laga reebay magacaabistii shalay.

DAREENKA SHACABKA.

Waa Wasiirka kaliya oo kazoo noqday sanadkii 2014-kii Xukuumaddii uu hogaamin jirey Dr Cabdiraxmaan Shiekh Maxamed (Faroole) oo uu kala wareegay talada PUNTLAND Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas),waxayna isweydiin badan ku xeeran tahay sababta kaligiis uu uga soo noqday Xukuumaddaas oo ka koobnayd ku dhawaad 60 Wasiir, Ma Daacadnimo bey ahayd ? Ma hawlkarnimay ahayd? Ma wadaniyad bey ahayd ? Mise arrimo kaloo ka duwan?.

Rumayso ama ha rumaysan waa masuulka kaliya oo mid ka mid ah Hay,addaha Qaramada Midoobay ku eedeysay 2014-kii musuq maasuq iyo isdaba marin mashaariic, Toloow ma dhiirigalin bey u ahayd xulashada loogu igmadey xilal sare oo Xukuumadda Puntland ah?.

Waa Wasiir lagu tuhmayo lahaanshaha mulkiyadda shirkaddo madax banaan oo ka hawlagala deegaanada Puntland sida IRMAAN , Shirkadda Tayo dhowr-ka Puntland oo dhawaan lagu daahfuray Bosaso iyo kuwo kale, isagoona muddo ka badan 5-tii sano ee lasoo dhaafay waxqabadka kaliya oo afkiisu karo uu ahaa inuu uga sheekeeyo shacabka iyo masuuliyiinta xiriirka ganacsiga Itoobiya iyo Puntland, Furida kastamka TUURDIBI oo xaaladiisa lagu fasiri karo RIYADA PUNTLAND oo aan weli curan ama ilaa iyo hadda aan lagu guulaysan .

Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indha guran) oo xilal kazoo qabtay Xukuumaddii AUN Gen Cadde Muuse, Cabdiraxmaan Faroole iyo Tan iminka oo markii saddexaad 07 Augsto 2017 loo magacaabay Wasiirka Ganacsiga iyo Horumarinta Wershadaha Puntland.

SHAAGLE LAGA BAQAY.

Waa siyaasi kusoo biirey saaxada sanadkii 2009-kii, wuxuuna shaki badan ku xeeran yahay heerkiisa waxbarashada asaasiga, Dhinaca kale war badan lagama hayo khibradiisa shaqo marka laga reebo mashruucii Karaash Program ee Dowladii Kacaanka Soomaaliyeed oo sida la tilmaamo uu ka mid ahaa dadkii kazoo shaqeeyay muddo yar.

Waa mid ka mid ah dadka ku xaragooda hubka sida dhaqamadii ka jiray sagaashamaadkii Somalia (Qabqable dagaal), kaba sii darane mid ka mid ah beelaha PUNTLAND ayaa hubkaan usoo iibisay sanadkii 2007-dii soo celinta magaalada Laas-caanood oo xilligaas gacanta u gashay maamulka Somaliland.

Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo soo qabtey hogaanka Khaatumo marna ma tagin degmooyinka uu kazoo jeedo sida Taleex, Xudun iyo Ceergaabo tan iyo intii uu hayay Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka mid ah hay,addaha ugu miisaanka weyn Puntland.

Halka taas bedelkeeda degmooyinka aanu kor ku xusnay sanadihii lasoo dhaafay ay fardo ku fuuleen  Muuse Biixi Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye,Faysal Cali Waraabe Gudoomiyaha Xisbiga Ucid iyo Siyaasiin kale oo kazoo jeeda Gobolladda Waqooyi Galbeed sida Awdal iyo Togdheer.

Af-hadlaaba aamus.

42 bilood kaliya bey dalka u haysay xil siyaasadeed,marna kumaysan turanturoon,waa aqoonyahanad u timid dalka inay u shaqeyso, balse aan u imaan inay ka shaqeysato,waa shaqsi faham dhaw la wadaagtey la macaamilka dadkay wada shaqeeyeen iyo kuwii loo adeegayay-ba,weyna istaahishay sii joogida xafiiska iyo mid ka sareeyaba.

Waa mid ka mid ah tan ugu badan haddeysan ugu horeyn-ba oo daryeelka iyo adeegeedu gaari jirey dhamaan Gobolladda,waana wasaaradda kaliya oo muddo ka-yar 40 bilood ka dhistay lix xarumood degmooyinka PUNTLAND taasoo ay usii dheereyd taabo-galinta iyo yagleelida xarunta weyn ee GAROWE.

Waa shaqsi looga markhaati kici karo doorkii uu ku lahaa la dagaalanka musuqmaasuqa oo u horseeday fulinta mashaariic wax ku ool ah oo si hufan u tisqaaday iyo guulo ARLADA ugub ku ah.

Intiina fahamtay waa mahadsan tihiin balse intaan garan shaqsiga aan ku xardhayo qalinkeyga waa Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin Wasiirkii horre ee Haweenka Puntland oo sida cadceeda aan sacabka loogu qarin karin oo kale maanta waxqabadkeedu uu uga muuqdo meel kasta oo ka mid ah gudaha dalka.

Mase ilowsani inay ka mid ahayd Wasiiraddii xasaanada ku waayay Mooshinkii 18 June 2017 balse Ogow qof walba oo xil ka qabta Hey’ad muunadeeda leh sida Baarlaman ama Xukuumadd wuxuu aakhirka ka tagaa erayo iyo waxqabad taariikhda u gala “Ileen magaalo waa madale inta joogtaana waa markhaatiye!!!

Hummaagga Baarlamanka.!!!.

Baarlamanka Puntland oo markii ugu horeysay 18 July 2017 xasanaada si wadar ah ugala noqday Xukuumadda ayaa la isweydiinayaa sidey u kala hufi doonaan islamarkaana miisaanka usoo saari doonaan xubnaha loo arko inay ka mid ahaayeen Wasiiradii ay ku sheegeen kuwo fashilmay oo farta lagu fiiqayo  shalay 07 Augsto 2017 inuu mar kale dib usoo noqoshadooda qalinka ku suntay Madaxweynaha Puntland.

Weydiimaha ugu badan oo ka imaanaya Dadweynaha Puntland waxay ku qotomaan? hal beega uu Baarlamanka Puntland ku eegi doono wasiirada loosoo celiyay iyo kuwii la eryay tusaale ahaan “MUXUU QABTEY?.

  1. Wasiir Indha-guran oo lasoo celiyay?
  2. Wasiir Cabdi Jamaal oo la eryay ?
  3. Wasiir Axmed Karaash oo lasoo magacaabay?
  4. Wasiir Aniso Xaaji Muumin oo laga dhaqaajiyay?
  5. Wasiir Shire Xaaji oo aan laga bedelin meeshii horre?
  6. iyo intii kale oo Baarlamanku kala noqday xasaanada?.

Sawirka laga bixin karo jawaabta laga sugayo Baarlamanka Puntland ee ku saabsan ansixinta gollaha Xukuumadda magacaaban waa mid fasiraya inay tahay rajadii u dambeysay oo gollaha wakiiladdu ku noqon lahaayeen kuwo ay dhab ka ahayd la xisaabtanka iyo In kale oo ay dangaar ah lahaayeen markii horre?.

Su,aasha Dadweynaha ?

PUNTLAND POST