Masuuliyiinta Bangiga Amal oo kulamo la qaatay Bulshada gobolka Sanaag

Maamulka Bangiga Amal ee Gobolka Bari iyo Sanaag bari oo safar shaqo ku tegey Gobolka Sanaag ayaa kulamo la qaatay bushada ku dhaqan gobolka.

Kulamadaan oo Bangigu laqaatay dhammaan qeybaha bushada ee kala duwan; ayaa waxaa ka soo qeyb galay Maamulka Gobolka, Aqoonyahano, Culumaa’udiin, dhalinyarada dhaqanka iyo guurtida Gobolkaas.

Kulankaas oo ka dhacay Hotelka Ally ee magaalada Badhan ayaa waxaa ugu horeyn furey Gudoomiyaha degmada Badhan Cabdirisaq Axmed Ciise, isagoo soo dhoweeyey Bangiga Ama; kuna dhiiri geliyey in uu ka qeyb noqdo horunarka ka socda Gobolka.

Sidoo kale goobta ka hadlay Maamulaha Bangiga Amal ee Gobolka Bari iyo Sanaag Bari Dr. Maxamed Faahiye Ciise isagoo u sharaxay bulshada gobolka ujeedada socdaalka isagoo ku tilmaamay in ay tahay in Bangigu ka qeyb qaato horumarka balaaran ee Gobolka ka socda, iyadoo Bangiga Amal mudadii labadii sano ee lasoo dhaafayba uu si xowli ah uga qeyb qaadanayey horumarka bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa ka hadlay kulanka xubno ka socday Wasaaradda ganacsiga ee Gobolka Sanaag hormuud ka ahaa isuduwaha Wasaaradda ee Gobolka Maxamed Axmed Ciise, Bahda waxbarasha, dhaqanka, culumaa’udiinka iyo ururada dhalinyarada dhammaantoodna waxay si diiran u soo dhoweeyeenBangiga Amal

Ugu dambeytii wuxuu kulanku ku dhamaaday jawi wanaagsan.

Warbixinta : AMAL


Cabdiqani Boos

Puntland Post Bosaso