Gudoomiyaha Gobalka Bari “waa gubaynaa lacagaha aan laga lahayn Puntland”

Bosaso-[Puntland Post] Gudoomiyaha gobalka Bari Yuusuf Maxamed Waceys [Dhado] oo maanta kormeeray qaar kamid ah goobaha ganacsiga ee maagalada Boosaaso ayaa ganacsatada uga digay in ay kala soocaan lacagta shilinka Soomaliga ah  isgoona ku baaqay in dhamaan lacagat shilinka Soomaliga ah la qaato.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay ka hor tagayaan lacagaha aan laga lahayn Puntland  isla markaana ay gubayaan waxaana uu madaxda Kantaroolada ugu baaqay in ay qabatan lacagaha laga soo daabulayo koonfurta Soomaliya.

Dhado ayaa dhinaca kale sheegay in dhibaatada ugu weyn in ay keentay lacagaha laga soo daabulayo koonfurta Soomaliya ku waas oo la keenayo Deegaanada Puntland .

Ugu danban Gudoomiyaha gobalka Bari Yuusuf Maxamed Wacays [Dhado] ayaa sariflayaasha Boosaaso uga digay in ay shacabka haysta lacagata Soomaaliga ah ay dhibaateeyaan isla marakaana ay kala soocaan lacagta waxana uu intaasi ku daray in talaabo adag ay dawladu ka qadi doonto qofkii  ka soo hor jeesta go,aanka dawladda.

Hadalka Gudoomiyaha Gobalka Bari ayaa ku soo beegmaya xili dhawaan ayey Shir jara’id oo ay ku qabteen Boosaaso ku sheegeen in lacagaha qaar la qaato, taas oo dhalisay Dibadbaxyo balaaran oo ka dhacay magaalada.

Cabdiqani Boos

Puntland Post Bosaso