Baarlamaanka oo maanta ka Doodaya Miisaaniyada Dowladda ee sanadka 2017

Muqdisho-[Puntland Post] Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ayaa saaka lagu wadaa in ay kulan ku yeeshan Xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa Warbixin la xiriirta dib u eegista Miisaaniyada Dowladda ee sanadka 2017 looga dhagaysanaya Guddiga Maaliyada ee Baarlamanka Soomaaliya.

Soo bandhigida Warbixinta ka dib ayaa Xildhibaanada waxaa lagu wadaa in ay ka doodaan dib u eegista Miisaaniyada Dowladda oo ay hada si wadajir ah ugu shaqeynayaan Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka iyo Wasaarada Maaliyada ee Xukuumada Soomaaliya.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post