Neymar oo ku biiray Kooxda PSG

Kooxda Paris Saint-Germain (PSG) ayaa si rasmi ah ula wareegtay laacibka reer Brazil Neymar, kadib markii uu heshiis rikoorka adduunka ah uga soo wareegay kooxda Barcelona.

Kooxda France ee Paris Saint-Germain ayaa Xalay ku dhawaaqday dhameystirka heshiiska Neymar, iyagoo bixiyay lagac dhan 222 Milyan oo Yuuro, taas oo lagu burburiyay qandaraaskiisii uu kula jiray kooxda Barcelona, iyadoo loo soo bandhigay mushahar gaaraya 30 Milyan oo Yuuro sannadkii ka hor inta aan canshuurta laga jarin.

Madaxweynaha Paris Saint-Germain Nasser Al Khelaifi ayaa maanta
soo bandhigay saxiixiixa Neymar oo maanta soo gaaray magaalada Paris ee caasimada France.

Neymar oo 25 sano jir ah ayaa noqday laacibka ugu qaalisan caalamka, rikoorkaasi oo uu horey haystay Paul Pogba oo u dheela Manchester United.

PUNTLAND POST