Puntalnd oo go’aano ka soo saartay kala sooca Lacagta Shilin Soomaaliga

Bosaso-[Puntland Post] Kulan ka dhacay xarunta looga arimiyo gobalka Bari, ee magaalada Boosaaso oo ay isugu yimaadeen maamulka Gobalka Bari, kan Degmada Boosaaso ,Wasaaradda maaliyadda ,Bankiga Dhexe ee Dawladda iyo Ganacsatada sariflayaasha ah ee Boosaaso ayaa lagu Go’aamiyey qaadashada lacagta shilinka Soomaliga.

Kulankan oo inta badan lagu lafa guray Sidii wax looga qaban lahaa Arintaas ayaa laga soo saaray 3 qodob.

1-In ay fasax tahay in la qaato lacagtii hore ee shilinka Soomaaliga ah ,marka laga reebo lacagaha goo go’an iyo kuwo duugga ah ee aan isticmaalka geli karin.

2-Sarifka lacagta ayaa halkii doolar la go’aamiyey in lagu sarifo 28-kun oo shilinka Soomaaliga ah ,maadama saddexdii beri ee u dambaysay sarukac baahsan lagu arkay.

3- In sariflayaasha Boosaaso loo sameeyo laysin ama Sharci ay ku shaqeystaan.

Daawo shirka Jaraa,id Ee Mauuliyinta Dawlada.

Cabdiqani Boos

Puntland Post    Bosaso