Xubin Cusub oo Guddiga Doorashooyinka Puntland Ka tirsan oo Maanta la dhaariyey

Qasriga Madaxtooyadda Dawladda Puntland ayaa maanta 27 July 2017 lagu dhaariyey xubin katirsan guddiga doorashooyinka Puntland oo dhowaan Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas magcaabay.

Cabdiraxmaan Diiriye Samatar (shuuqe) oo ah xubinta maanta loo dhaariyey xilkaasi ayaa waxaa munaasibada dhaarinta goob-joog ka ahaa Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhaarta kadib la dardaarmay Cabdiraxmaan Diiriye Samatar (shuuqe), waaxaana uu kula dardarmay inuu xilkan loo igmaday siday tahay uga soo dhalaalo uguna shaqeeyo dadkiisa iyo dalkiisa, isla markaana uu ka fogaado wax kasta oo shaqadiisa wax yeelaynaya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku booriyey in shaqada uu hayo Cabdiraxmaan Diiriye Samatar tahay mid miisaan keeda leh, shaqada iyo hawlaha xafiis ee laga sugayaana tahay mid dardargelin iyo dedaal dheeriya u baahan, madaama dawladda Puntland iyo shacab keedu tiig-sanayaan sidii Puntland u gaadhi lahayd doorasho hal qof iyo hal cod ah.

Ugu danbayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Alle “SWC” uga baryey Cabdiraxmaan Diiriye Samatar inuu u fududeeyo shaqada uu u qaban doono shacabkiisa, isla markaana Alle ka dhigo kii Puntland u horseeda horumarka ay geediga ugu jiraan ee ah doorasho hal qof, hal cod.

==DHAMMAAD==

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.