QM:- “Sacuudiga ayaa ka dambeeyey Soomaalidii lagu laayey Xeebaha Yemen”

Qaramada Midoobey waxay ku eedaysay Sacuudiga iyo xulufadiisa inay ka danbeeyeen weerarkii lagu dilay 42 Soomaali ah kuwaasi oo ku dhintay duqeyn diyaaradeed , iyagoo doon saaran oo marayay xeebaha Yeman bishii March ee sanadkan.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey warbixin uu soo saaray oo ka kooban 185-bogg, oo ay daabacday wakaalada wararka ee Reuters , waxaa lagu sheegay in dadkaasi lagu duqeeyay hub laga soo ganay Helicopter, cida keliya ee diyaaradahasi isticmaasha aagaasina ay yihiin Sacuudiga iyo kooxda xulufada kula ah dagaalka.

Weerarkii March waxaa lagu dilay 42 qof oo Soomaali ah , waxaa ku dhaawacmay 34 qof , dadka saarnaa doonta la duqeeyay oo tahriib waday waxay ka badnaayeen 140 qof

PUNTLAND POST