Madaxweyne Farmaajo oo Shir Gudoomiyay shir Deg Deg ah oo looga hadlayay Amniga

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa xalay Muqdisho ku Shir Gudoomiyay shir deg deg ah oo looga hadlayay amniga.

Shirkaas waxaa ka soo qaybgalay wasiirada amniga , Gaashaandhiga, Taliyaasha ciidamada Nabadsugida, Booliska Milatariga iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Thaabit.

Kulanka ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday shaqaaqada qasaaraha geysatay oo shalay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ku dhexmartay Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa baaritaanka shaqaaqadaasi u saaray taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya Gen Cabdi Xakiin Daahir Siciid Saacid.

Guddiga ayaa durba bilaabay in ay soo ogaadaan xaqiiqda rasmiga ah ee ka dambeeysay isku dhicii shalay ka dhacay Muqdisho.

Waxaa Warbaahinta la hadlay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Mudane Isloow iyo Taliyaha ciidamada Booliska General Saacid.

Magaalada Muqdisho waxaa  ka dhaca isku hor imaadyo qasaare geeysta oo dhexmara Ciidamada dowlada dhexdooda.

Hoos ka Daawo Sawirada

Hoos ka dhageyso Codka.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho