Jaamacadaha Bosaso iyo Mount Kenya oo dhexmari doono iskaashi waxbarasho heerka labaad

Jaamacadaha Bosaso iyo Mount Kenya waxaa dhexmari doono iskaashi waxbarashada heer labaad ee Mastarka iyo Post Graduate Diploma, waxaana Ardayda jooga gudaha Puntland ay waxbarashada ku dhigan karaan hab online ah, iyadoo ay ufududayn doonto.

Munaasabad ay ka qayb galeen masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland, madaxda Jaamacadaha Mount Kenya iyo Jaamacadda Boosaaso ,ardayda Jaamacaha dhigata jaamacadaha iyo kuwa dhamaystay ayaa lagu shaaciyey iskaashi dhexmaridoona labada jaamacadood, iskaashigaas oo kusaabsan waxbarashada sare gaar ahaan heer labaad ee Masterka iyo post Graduate Diplomada.

Jaamacadda Boosaaso ayaa fududayntooda isdiiwaan gelinta iyo gelida imtixaanka ardayda danaynaysa inay dhigtaan waxbarashada sare iyagoo jooga gudaha puntland.

Horay ardayda dhigan jirtay kulliyadaha ay bixiso Jaamacadda Mount Kenya waxay u aadi jireen dalka dibadiisa halka qaybtoodna ay u safri jireen xarun ay Jaamacaddu ku leedahay magaalada Hargaysa .

Dhammaan ka qaygalayaashii munaasabadda ayaa isla qiray muhiimadda uu leeyahay iskaashiga labada Jaamacadood maadaama uu ardayda u fududaynayo isagoo jooga deegaankiisa inuu waxbarashadiisa dhigankaro uuna u baaqanayo kharash badan oo safar kaga bixilahaa.

Sawirro.


Hassan Bashe.

PUNTLAND POST.