HRW: Al-shabaab waxay Qafaal, Gubid iyo Dhac u geysteen dad ku nool Shabeellaha hoose

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa maanta warbixin ay soo saartay ku sheegtay in Al-shabaab ay  gubeen guryo badan, kadib weerarro dabayaaqadii bishii May 2017 ay ku qaadeen tuulooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose ee dalka Soomaaliya.

Warbixinta Human Rights Watch ayaa la sheegay in ay ku salayasan tahay waraysiyo lala yeeshay dad goobjoogayaal ahaa iyo qiimayn lagu sameeyay muuqaalo lagu qaaday dayax gacmeed waxayna Al-Shabaab qafaashay dad rayid ah, dhaceen xoolo, isla markaana dab qabadsiiyeen guryo, taasoo keentay in dad ka badan 15,000 ay ka barakacaan deegaannadooda.

Human Rights Watch waxay sheegtay in laga billaabo 21-kii May 2017 Al-Shabab ay duulaan ku qaaday tuulooyin hoos taga degmooyinka Marka iyo Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose. gobolkaasi ayaa muddo dheer waxaa ka socday dagaallo u dhexeeya maleeshiya beeleed, ciidamada dowladda federaalka ah, kuwa Al-Shabab iyo ciidamada Midowga Afrika, ayadoo isbahaysi isbedelaya uu ka jiray gobollka, colaadaasi ayaa saamayn ba’an ku yeelatay dadka rayidka ah.

Laetitia Bader oo ah cilmi-baare sare oo Human Rights Watch u qaabilsan Afrika ayaa tiri “Wax qiil ah looma samayn karo afduubka ururka Al-Shabab uu kula kacay dadka rayidka ah iyo guryaha uu dadkaasi ka gubay, Ururka Al-Shabab waxa uu mas’uul ka yahay barakicin ballaaran, balse dowladda waxaa looga baahan yahay inay wax ka qabato xiisadda beelaha u dhexeysa, ayna la xisaabtanto kuwa ka dambeeya tacaddiyada”.

Human Rights Watch ayaa warbixnteed ku sheegtay in ay si toos ah magaalada Muqdisho ugu waraysatay telefoonka 25 qof, kuwaasoo ka barakacay deegaannadaasi hoos yimaada labada degmo, iyo qeybaha kale ee gobolka Shabeellaha hoose.

Warbixinta Rights Watch ayaa sidoo kale lagu sheegay in colaadda beelaha u dhexeysa, gaar ahaan Habar Gidir iyo Biyamaal, ay ku badatay gobolka Shabeellaha hoose tan iyo sanadkii 2013 labada beelna ay mararka qaar ka garab dagaallameen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabab intii ay socotay colaaddan, iyadoo weerarro aargoosi ah lala beegsaday dadka rayidka ah.

Cabdi, oo isaga iyo dadka kale ee la waraystayba aan la adeegsan magacooda dhabta ah si ammaankooda loo ilaaliyo, ayaa u sheegay Human Rights Watch inuu ka qaxay tuulada Ceel Waregow. waxa uu yiri: “Ururka Al-Shabaab ayaa nagu eedeeyay inaan nahay kuwo diinta ka baxay oo ku biiray dowladda. Qaar ka mid ah odayaasheena ayaa u sheegay Al-Shabaab in ragga sacboolayda ah ee aan hubka sidan la badbaadiyo. Markii hore caanshuur ayay naga qaadi jireen oo isugu jirta lacag iyo xoolo, haddase waxa ay gubayaan guryaheena.”

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaal ka dhacay KM-50 mudadii u dhexeysay 21-kii ilaa 23-kii May, uu ururka Al-Shabab ku afduubtay qiyaastii 70 qof oo ay ku jiraan dumar iyo carruur. Dadka deegaanka ayaa u sheegay Human Rights Watch in Al-Shabaab ay qaateen xoolo badan oo isugu jira geel, lo’ iyo ari, kuwaasoo muhiim u ah noolasha dadka xilligan ay abaarta jirto. Odayaasha deegaanka ayaa sheegay in boqolaal xoola ah la dhacay, qaar badan ay baqtiyeen, ayadoo tiro kooban loo soo celiyay bulshada halkaa ku nool.

Sidoo kale  Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 15,240 qof ayaa kubarakacay weerarradii ba’naa ee dhacay intii u dhexeysay 21-kii ilaa 24-kii May 2017. Haweeney ka tirsan dadka Buulo Muudey oo aabaheed lagu dilay weerar halkaa ka dhacay, gurigeedana lagu gubay ayaa tiri: “Sideebaad ku joogi kartaa meel lagu hayo weerarro joogta ah, carruurtana guryaha lagu gubayo?”

Laetitia Bader  ayaa markale tiri “Kuwa dembiyada dagaalka ka gala Soomaaliya waa in ugu dambeyn la horkeenaa cadaallada, Si kastaba dowladda iyo taageerayaasheeda waxaa looga baahan yahay inay degdeg u caawiyaan dadka ku barakacay colaadda.”

Human Rights Watch  ayaa sheeegtay in Ciidamada AMISOM ee ku sugan Shabeellaha hoose, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Uganda, ayaa dhankooda galeen tacaddiyo ka dhan ah dadka rayidka ah.

Shabeellaha hoose waa gobol beerashada ku wanaagsan, kaasoo tan iyo burburkii Soomaaliya ee 1991 ay ka dhacayeen dagaallo beeleed salka ku haya dhul, ganacsi iyo siyaasad. Wixii ka dambeeyay 2012, ciidamada AMISOM oo kaashanaya kuwa dowladda Soomaaliya ayaa deegaanno muhiim ah oo gobolkaas ka tirsan ka qabsaday ururka Al-Shabab oo ka talinayay tan iyo 2008.

PUNTLAND POST