Ururka Caalamiga ah ee Lions oo Raashin Qaybin Ka Samayey Gobolka Bari.

Bosaso[Puntland Post]Ururka Lions Club Bosaaso oo wakiil ka ah Urur weynaha Caalamiga ah ee Lions Club International Foundation ayaa raashin u qaybiyey dad danyar ah oo ku nool Deegaamo hoos yimada Degmooyinka Iskushuban, Qandala iyo Balidhidin ee Gobolka Bari.

Ururkaan oo ah urur samafal ah ayaa raashin isugu jira Bariis, Sonkor iyo Saliid gaarsiiyey qoysas gaaraya 400 qoys, kuwaaso ku kala nool Deegaamada Timirshe, Xamure, Tuula-ciise, Beelwacatey, Unuun iyo Degmada Balidhidin.

Dadka deegamadaas ayaa si weyn uga mahad celiyay raashinka ay soo gaarsiiyeen Ururka Lions, waxaanay ka codsadeen inay Caawinta dadka danyarta ah ay kordhiyaan.

Cabdullahi Muse Faarax oo kamid ah Masuuliyiinta LC Bossaso oo goobta raashinka loogu daah furayey kula hadlay warbaahinta Mahad celin Alle kadib Hadalkiisa ku bilaabey.

Waxaa maanta halkaan ku daah fureynaa raashina loogu qaybinayaa dad danyar ah oo ay qaarkood saameysey Abaartii lasoo dhaafey ee ka dhacdey guud ahaan dalkeena, walalayaal Lions maaha marki igu horeysey ee ay idin timaado mana noqon doonto insha allah marki u danbeysay ee ay idin timaado.” Isaga oo hadalkiisa siiwata waxa uu yiri “Alle Subxanahu watacaala ka sokow waxaan u mahad celinaya Madaxa Lions ee Somaliya Mudane Mursal Isa oo suurta geliyey eebe ka sokow iney Lions ka howl gasho soomaaliya Howlo muhiim ahna ka qabato mudadi yareyd ee ururku ka shaqaynayey Dalka”

Ururka Lions deeqdan uu gaarsiiyay Deegaamada fog fog ee gobolka bari waxa qayb kamid ah raashin qaybin u ka wado Gobolada kale ee dalka sida Gobolada Nugaal, Banaadir iyo Sh/dhexe, waxaanu ururkan mudo dheer ahaa mid ka shaqynayay arimaha samafalka wadamada kala duwan ee caalamka inkasta uu Somaaliya ka shaqaynayey Muddo dhowr sano ah.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post  Bosaso