Wafdi Puntland oo Booqasho ku jooga magaalada Kigali ee dalka Rwanda

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Astaynta maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa dowladda Puntland Cabdiraxmaan Cali Guureeye  iyo masuusliyiin ka tirsan xafiiskiisa ayaa booqasho ku tagay caasiamda dalka Rwanda ee Kigali, kadib markii ay cusumaad ka heleen Xafiiska la dagaalanka musuqmaasuqa, Ka hortagga caddaalad xumada iyo horumarinta maamul wanaagga dalka Rwanda  “Office of the Ombudsman”.

Booqashada wafdiga Ha’adda Astaynta maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa dowladda Puntland ayaa ah u kuur galida qaabka ay dowladda Rwanda ula dagaalantay musuqmaasuqa iyo maamul xumada iyo sida ay markiiba uga soo kabatay dagaaladdii sokeeye ee aafeeyay dalkaas bilowgii sagaashanaadkii.

Agaasimaha guud ee Ha’adda Astaynta maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa dowladda Puntland Cabdirahmaan Cali Guureeye  oo la hadlayay Warbaahinta PUNTLNAD POST ayaa sheegay in ay dalkaas u joogaan howlo shaqo,ayna soo dhaweyn diiran iyo kal furnaan kala kulmeen dowladda Rwanda iyo dhammaan xafiisyadii ay booqdeen.

Agaasimaha oo si kooban uga hadlay sababta keentay booshadan ayaa  yari “Hammigayagu waa in aan maamul wanaagga  Puntland kor u qaadno, dadkayaguna ay la saan qaadaan dunida hor u-socodka ah, musuqmaasuqa iyo caddaalad daraadana dagaal cad lala galo si horumar loo gaaro”.

“Aad bay reer Rwanda uga soo kabteen burburkii ku dhacay, waana ku kal soonahay in la gaari karo taas balse loo baahan yahay in loo wada istaago sidii loo gaari lahaa” ayuu yiri Agaasime Cabdirahmaan Cali Guureeye.

Agaasimaha iyo wafdigiisa ayaa xog waraysi ku saabsan sida dowaladda Rwanda ay ula dagaalameen musuqmaasuqa, maamul xumada iyo caddaalad darrada waxa ay ka dhagaysteen, Madaxa ugu sarreeya Hay’adda dowladda Rwanda u qaabilsan arrimaha la dagaalanka musuqmaasuqa iyo wanaajinta maamulka  Chief  Ombudsman Gabadha lagu magacaabo Cyanzayire Aloysie.

Sidoo kale wafdigu waxaa warbixino faahfaahsan siiyay Xoghayaha jootada ah ee Hay’adda iyo Agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee xafiiska “office of the Ombudsman”.

Dhanka kale wafdiga dowladda Puntland  ayaa booqasho  xusuuseed iyo  wax ka barasho u tagay halka loo asteeyey in lagu xusuusto xasuuqii  foosha xumaa ee ka dhacay dalka Rwanada, halkaas oo xasuuq loogu gaystay dad gaaraya ilaa Hal Mayuun iyo bar.

Goobtan oo ku dhex taaal magaalada Kigali ayaa waxaa xasuuq loogu gaystay 250,000 oo qof,  waxaana looga warbxiyay wafdiga  Puntland sida ay uga soo kabteen dowlad iyo shacabba dhibtaas baaxadda leh.

Wafdiga dowladda Puntland ayaa sidoo kale maanta booqan doona  Hanti dhowrka guud , xafiiska u qaabilsan qandaraayda dowladda Rwanda, Taliska ciidanka Police dowladda Rwanda iyo Transparency International  xafiisyadaas ayaa dhammaantood wada shaqayn dhow la leh Hay’adda dagaalanka musuqmaasuqa, Ka hortagga caddaalad xumada iyo horumarinta maamul wanagga dalka Rwanda  “Office of the Ombudsman”.

Dalka Rwanda ayaa ah dal dhul ahaan aad u yar balse tira ahaan u dhigma Soomaliya, haddana ku dhexyaal  qaaradda Afrika oo aan lahayn Bad.

Waana dal wax badan ka horumarsan dalalka ku yaal Geeska Afrika, waxaana dalkaas ka muuqato ilbaxnimo baahsan, kobacdhaqaaale yo nidaam dowladnimo oo mudan in wax badan lagaga daydo.

PUNTLLAND POST